X
    Categories: Qubanaha

Haweenay Ka Sheekaysay Guur Uu Ka Codsaday Hoggaamiyihii Hore Ee Liibiya Muammar Al Qaddafi

Araweelo News Network

Haweenay ka mid ah Baarlamaanka dalka Al Jeeriya (Algeria), horena u ahaan jirtay Shakhsiga Warbaahinta (Media Personality) oo la yidhaa Zahia Benaruous, ayaa shaacisay in hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mr. Muammar Al Qaddafi uu ka dalbaday guur 1995-kii, balse ay ka diiday.
Islaantan xildhibaanka ah oo waraysi siiyey telefiishan laga leeyahay Al Jeeriya oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay ku sheegtay in 1995kii oo telefiishan Al jeeriya uun ah lagu martiqaaday uu Qaddafi u soo diray wefti haween ah oo reer Liibiya ah, kana tirsan Urur ay ku bahoobeen Haweenka Liibiya (Libyan Women’s Union) si ay iyada ugula kulmaan hudheel dalkeeda ku yaal, halkaas oo ay ugu sheegeen in Qaddafi aad uga helay, doonayana inuu guursado.
Sidoo kale, weftigan haweenka ah ee loo soo diray waxay u sheegeen in Qaddafi gacanta ka gelin doono dhammaan kharashka ku baxaya xafladda, waxaanay Xildhibaanku sheegtay in dalabkaas guur uu aad uga nixiyey, kana cabsiiyey, maadaama uu uga yimmi Madaxweyne awood badan, balse waxay xustay in markii ay la kulantay weftiga haweenka ah ee Liibiya ka socday ay diiday dalabkaas guurka ah, waqtiyadii dambena ay aad uga gaabsan jirtay in ay jawaab ka bixiso arrintaas.
Waxa ay intaa ku dartay in aanay waligeed la kulmin Qaddafi, balse uu inta badan telefiishannada kala socon jiray muuqaaladeeda.
Xildhibaan Benarous waxa kale oo ay xustay in waqtigaas ay u qorshaysnayd in ay warar ka tebiso telefiishan Liibiya laga leeyahay, balse ay diiday, iyadoo ka cabsi qabtay Qaddafi inuu aqoonsado, xaalad khatar oo degenaansho la’aan ahna uu geliyo nolosheeda, maadaama ay dalabkiisa guur diiday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post