X
    Categories: Qubanaha

Hargeysa: Qoys Wada Naafo ah oo u Baahan Daryeel iyo Caawimo

Qoys haysta Caruur wada Naafo ah oo u baahan Caawimo

Hargeysa(ANN)Waa qoys reer Somaliland ah oo u baahan taakulo, waxay  deggan yihiin xaafadda baro-kacayaasha ee koonfurta magaalada Hargeysa.

Qoyskaa oo xaaladoodu aad u cakiran tahay, waxay ka kooban yihiin Aabbe Yuusuf Aadan Cali, hooyo Faadumo Siciid Jaamac iyo shan carruur ah oo wada naafo ah, waliba dhammaan carruurtu way wada suuxaan. Waana laba hablood iyo saddex wiil, iyadoo 2 ka mid ah carruurtu yihiin bilaa dareen oo dhaqdhaqaaq ma leh, saddexda kalena waxay naafo ka yihiin lug iyo gacan, shantuba waxay ku dhasheen naafonimo.
Waxa intaa u dheer qoyskan aabbahood ma hayo wax shaqo ah imika, oo waxba kuma soo kordhiyo xagga dhaqaalaha. Qoyskani wuxuu la kacaakufayaa dhibaato xoog leh oo ku xeeran. Waxaanay shanta carruurta ah u baahan yihiin xannaano gaar ah, sida in la geeyo goobaha duugista iyo daryeelka caawinta lagu sameeyo si loogu sameeyo duugis, lana baro socodka I.W.M.

Carruurtani xitaa ma haystaan wax bas lagu soo saaro, iyagoo deggan meel magaalada kooneheeda koonfureed ah.
Cidda qudha ee gargaar bixin karta, dhibkana ka dul-qaadi kara waa Ilaahay, mana aha wax bani’aadan ku shaqo leeyahay, laakiin waxaan ka codsanayaa Muslimiinta Soomaali meel ay joogtaba inay u soo naxariistaan carruurtan yaryar ee tabaalaysan, waxa Ilaahay (SWT) kuugu dhowri doonaa carruurtaada iyo ehelkaaga, maalkana wuu kuugu barakayn doonaa insha Allaah. Qofkii doonaya inuu arkana wuu arki karaa, waana kuwa sawirka ka muuqda.
Waxaad ugu soo diri kartaa waxa karaankaaga ah ee aad qoyskan iyo carruurtan tabaalaysan ku caawinayso Zaad 4426781 amma 065970084 Dahabshiil Account:5343

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post