X
    Categories: Qubanaha

Ghana: Haweenay 23 Jir ah oo Noqotay Qofka ugu Da’da Yar ee Abid loo Doorto Xildhibaan Barlamaan

Araweelo News Network


Haweenay 23 jir ah ardayad sharciga barata oo la yidhaa Francisca Oteng Mensah, ayaa ku guulaysatay in ay ka mid noqoto xildhibaannada barlamaanka waddanka Ghana (Gaana) oo ku yaal galbeedka qaaradda Afrika, kadib doorashooyinkii dalkaas ka qabsoomay toddobaadkan.
Gabadhan xildhibaanka noqotay waxay heshay 70,000 (toddobaatan kun) oo cod, halka qofka ugu dhow ee la tartameyey uu helay codad dhan 15,000, taasina waxay u saamaxday in iyadoo 23 jir ah ay ka mid noqoto xildhibaannada Barlamaanka ee dejin doona siyaasadaha iyo shuruucda Ghana.
Waxa ay ka adkaatay xildhibaan hore oo la yidhaa Kofi Frempong, kaasoo Barlamaanka ka mid ahaa laga soo bilaabo sannadkii 2004, waxaanay noqotay haweenaydan qofkii ugu horreeyey ee isagoo arday hadda uun soo qallin-jebiyey ah ku guulaysta kursi baarlamaan.
Haweenaydan guulaystay oo culuunta sharciga ka baray Jaamacadda Kwame Nkrumah University, waxa ay noqon doontaa xildhibaan metela dadka bariga Kwabre ee Gobolka Shanti Region ee Gaana.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post