X

“Gasarkii Caddaa Waxa Fadhiya Tima Gardhaaley’e Haddii Aarku Gabbo Waa Inay Gooshu Talisaaye”

“Gasarkii Caddaa Waxa Fadhiya Tima Gardhaaley’e Haddii Aarku Gabbo Waa Inay Gooshu Talisaaye”

Gabaygan oo ka hadlaya xaaladaha iyo duruufaha is bedelada nolosha Aadamaha, waxa tiriyay Abwaan Cismaan Ku Jare oo ah suugaanyahan Alleh ku manaystay hibona u siiyay xikmad baddan, mana aha gabaygii u horeeyay ee uu tiriyo Abwaanka, bàlse gabaygan Wuxuu rag ay saaxiibo dhow yihiin ugu hoga-tusaalaynayaa is bedelka dunida ka dhacay iyo inay u dulqaatan waxyaabaha ay kala kulmaan guryohooda, wuxuuna ku bilaabay sidan:-

Gefka dhacay Hadhuudhoow hadaad gubbasho Ooyayso ragba godobta waa kula qabaa garaw la’aaneed’e,
Cidladaad gandoodiyo tashigu kuuma aha gaare,

Nimanbay gu,yaal iyo gu,yaal gibishu saarayde, siday subax girgire ugu rogtay ee looga gubay shaadhka. Nuuxii garaaryaha lahaa gaabi socodkiiye,

Gadh-lul weeye ina Caamirkii goobabayn jiraye, Wuxuu ganafka taagoba haday keenno geliyeene, geediga halkii loo raruu daba gashleeyaaye.

Inkastuu garleeyahay haddii gobo’da loo sheego Saleebaan ma goolaaftamoo tarabalkii gooye.
Iyadoo gabood lagu faluu dan uga guuraaye.

Deeqii guryaa baddan lahaa looma gaardiyo’e, Cir godladay gud-gude soo curtuu gaaf wareegyahaye, dumarkuu là gooshaashi jiray go,gol ma siiyaane.

Ma guureeyo Maxamuud intuu Haafkii gaacsado’e, ina Bicirif Geydhkiyo haddaa Gaadhka loo diraye.

inkastuu rag lama gaasiree haatan godadleeyay, indhawayd garaadkii ma arag gabanadiisiiye, gobolkii Togdheer maalintuu guursaduu nacaye.

Dhaaxaan is giijaye markii gacanta lay taagay Aniguba gedaad igu tiqiin waa ka gaabsadaye, waxay gabadhu soo jeedisaan baddi u guuxaaye.

Siday dumarka gaaladu u tidhi guudka sare gaadha ee garanka iyo loogu xidhay goonnadiyo shaadhka , gidigood waxay doonayaan inay gudoonshaane.

Guryihii raggoo joogabay geedka tegayaane , Baarlàmaànka iyo Guurtidii waa kuwaa galaye.
Gasarkii caddaa waxa fadhiya Tima gardhaaley’e, taladaanay goyn iga walaan cidi ku guurayne.

Inkastoo guyaal iyo guyaal gibishu saaraato garababeelka awrkii noqdaa ma’aha gaadiide, haddii aarku gabbo waa inay Gooshu Talisaaye.
Dhamaad gabaygan waxa tiriyayay Abwaanka hal-abuurka xikmaawiga ah ee Cismaan Ku Jare.
Halkan Ka Daawo Gabaygaa oo muuqaal ah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post