X
    Categories: Qubanaha

Ganacsade Dad Sabool ah ugu Deeqay 90 Guri si uu Hadiyad ugaga Dhigo Arooska Inantiisa

Araweelo News Network

Waxa caado ah in tujaartu xafladaha ubadkooda, gaar ahaan waqtiyada arooska ay kharash gareeyaan lacag badan oo dhaldhalaal iyo macno-darro kaga baxda, balse maalqabeen oo u dhashay dalka Hindiya, ayaa sameeyey arrinkaas mid ka duwan, kadib markii uu ka qaybgalay xaflad aroos oo gabadhiisu dhigatay, isla markaana dad masaakiin ah ugu deeqay 90 guri si uu hadiyad ahaan uga dhigo inantiisa.
Ganacsadahan oo la yidhaa Ajay Munot waxa uu sagaashankan guri siiyey dad darbi-jiif ah amma qoysas aan hoy lahayn, sida lagu daabacay wargeyska Free Press Journal oo Jamhuuriya soo xigtay.
Mr. Ajay waxa uu amar ku bixiyey in 90 guri laga dhiso dhul laba hiktar ah oo uu lahaa. Waxa kaloo uu sii xulay dadka guryahan la siin doono ee uu ugu ballanqaaday inay gelayaan.
“Guri kasta waa 12 iyo 20 fuudh oo laba jibbaaran… waxa uu leeyahay laba daaqadood, laba albaab, laydh si fiican ugu xidhan iyo rinjigii,” ayuu yidhi weriye goobta warka ka diyaariyey.
Haweenayda arooskeeda sababtan ku dhacday ayaa sheegtay in ay aabbaheed ku taageerayso go’aanka uu qaatay, tahayna hadyad ugu weyn ee qof la siiyo waqti uu guursanaayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post