X
    Categories: Qubanaha

Gambiya: Waashmaankii Madaxweynaha Noqday!

Araweelo News Network

Mr. Adama Barrow oo noqday madaxweynaha cusub ee dalka Gambiya ee qaaradda Afrika, kadib markii uu ku guulaystay doorasho ka yaabisay dadka, waxa uu ahaan jiray waashmaan, aakhirkiina waxa u noqday dadka horumariya hantida (Property), weligiina ma uu qaban xafiis dawladdeed.
Guusha uu ka gaadhay doorahsada dalkan yar ee galbeedka Afrika, waxa ay cajiib iyo anfariir ku noqotay dad badan oo caalamka ah, waxaanay ka cajiib badatay doorashadii Madaxweynaha Marayanka ee Donald Trump.
Mr. Adam Barrow waxa uu doorashada kaga guulaystay Madaxweyne Yahya Jammeh oo xukunka dalka Gambiya hayey muddo ka badan 20 sanno, waxaannu rumaysnaa inuu xilka dalkiisa hayn doono ilaa inta Ilaahay (SWT) yidhaah, xaataa haddii ay gaadhayso hal bilyan oo sanno.
Ka hor intii aan xilka loo dooran Madaxweynaha cusub oo 51 sanno jir ah inuu murrashax u noqdo si uu metalo toddoba urur mucaarid oo Gambiya ka dhisan, waxa uu 10 sannadood ka shaqaynayey horumarinta hantiyaha, aakhirkiina waxa uu samaystay xarun uu gaar u leeyahay oo hantida dadka u kala iibisa sannadkii 2006.
Horraanta sannadkii 2000-kii waxa uu ku noolaa dalka Ingiriiska muddo sannado ah, halkaas oo kaga shaqayn jiray ilaalo amma waashmaan bakhaar la yidhaa Argos oo ku yaal waqooyiga magaalada London, halkaas oo uu ku bartay kala iibinta hantida ma-guurtada (Real Estate Qualification).
Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa qoray inuu ilaalin jiray dukaan la ku yaal magaalada London, gaar ahaan dariiq la yidhaa Holloway Road, marar badanna uu xidhay muwaaddiniin dukaanka xaday oo lix bilood oo xadhigga ka laacay.
Madaxweynaha cusub ee dalka Gambiya Mr. Barrow waxa uu malaayiin Afrikaan ah kala mid ahaa taageerada kooxda kubbadda cagta Ingiriiska ee Arsenal.
Waxa uu dhashay sannadkii 1965kii oo ku beegnayd sannadkii dalkiisu xorriyadda ka qaaday dalka Ingiriiska, taasoo uu ku dhashay tuulo yar oo u dhaw suuqa caanka ka ah Gambiya ee la yidhaa Basse oo ku yaal bariga dalkaas. Waxa uu ka soo jeedaa qabiilka Fula ee dalkiisa deggan.
Inta badan waxa uu ololahiisa ku doodi jiray inuu doonayo dhisida garsoor madaxbannaan, fasaxidda xorriyatul-qawlka, gaar ahaan warbaahinta iyo xoojinta ururrada rayidka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post