Doorka Turkiga Iyo Is Ballaadhinta Bariga Dhexe Ee Israel

#Araweelo_News_Network

Damascus (ANN)- Xaaladda Dalka Suuriya ayaa noqotay mid aan la saadaalin karin, kaddib markii xukunka laga tuuray Bashaar al-Assad oo la afgambiyay Axadii lasoo dhaafay, waxaana lasoo afjaray xukunkiisii  24-kii sano ee uu madaxweyne ka ahaa Suuriya, iyadoo   in ka baddan 50 sano  qoyskiisu ay xukumayeen Suuriya.

Fallaagada ay hoggaaminayaan kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah ee ay ugu tunka weyn tahay  Hayat Tahrir-al Sham (HTS), ayaa qabsaday gebi ahaan Suuriya, kuwaas oo Turkiga oo fulinaya qorshaha Israel iyo xulufada Maraykanka ay sabab u ahaayeen qabshadooda, waxayna kooxahan sheegeen innay dhisteen dowlad ku meel gaadh ah,  wallow aan la hubin mustaqbalka madaxweynihii xilka laga tuuray, xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo weliba mustaqbalka Suuriya.

Bashaar al-Assad ka hor intii aannu xilka qaban sanadkii 2000,  waxa dalka hoggaaminayay Aabihiis Xaafid Al-Assad oo ahaa hoggaamye ka mid ah kuwa ugu awoodda baddan dalalka Carabta, isla markaana ahaa mid saamayn ku lahaa Bariga dhexe oo ah mid ka mid ah gobollada ugu xaasaasisan ee leh xiisaaddaha iyo collaadaha ugu facaweyn ee la xidhiidha dhinacyada ahmiyada Istiraatiijiyadeed ee dhaqaale iyo Millateri iyo weliba diimeed, kuwaas oo xudunta ugu weyni tahay Qudus.

Xaafid Al-Assad , ayaa sidoo kale ahaa xubnaha ugu muhiimsanaa, ama ka mid ahaa saddex Hoggaamiye oo ahaa xabagta isu haysa Bariga dhexe, waxayna dadka Suuriya xusuusan yihiin in Xaafid Al-Assad ku dardaaray marka uu geeriyooodo in maydkiisa lagu wareejiyo Caasimada Suuriya ee Demiscus, ka hor inta aan qabriga loo diyaaroyay la geyn, taas oo loo  fasiray in xukunkii adkaa ee Madaxweyne Xaafid Al-Assad aannu waxba ka bedelayn wiilkiisa bartay culuunta dhakhtarnimada ee Bashaar Al-Assad.

 

Hase yeeshee muadadii uu xilka hayay Bashaar Al-Assad wuxuu door weyn ka ciyaaray ahmiyada gobolka ee Suuriya iyo weliba dagaalkii Israel iyo Xuzbullah ee 2006, kaas oo Afartan maalmood lagu quusiyay Israel oo wixii xilligaa ka horeeyay taariikhda madaw iyo booggaha ku samaysay dagaalo dhexmaray dalalka Carabta oo dhul baddan lagaga qabsaday, balse dagaalka Xiszbullah iyo Israel ayaa qoray bogag cusub oo taariikhda Bariga dhexe ah, waxaana guuldaro loo xanbaariyay Israel iyo xulufadeeda Maraynka, taas oo ugu danbayntii khasab noqotay in heshiish la dhexmariyo Israel iyo Xizbullah oo Israel iyo xullufada Maraykanku ku hore ugu dareen liiska argagixisada.

Marka dib loo jaleeco dhacdooyinka iyo collaadaha Bariga dhexe dagaalka  Israel loogu awood sheegtay oo Bashar Al-Assad iyo Iran u muuqdeen kuwii sababay guusha Xizbullah 20006,  waxay Israel iyo xullufadu door weyn ka ciyaareen sidii Bashar Al-Assad iyo xukunkiisa looga saari lahaa, maadaama ay u muuqatay in aan Israel iyo xullufadiu ka guulaysan karin Xizbullah iyo kooxaha maqaawimada ee guddaha dhulka la haysto ee Falastiin iyo marinka Qaza, waxaana bilawgii kacdoonkii loo bixiyay gugii Carabta loo qorsheeyay in xukunka laga tuuro sida hoggaamiyayaashii kale ee Liibiya, Tuunisya iyo kuwo kale, balse qorshaha uma dhicin sidii la doonayay, waxaana markaa kaddib loo qorsheeyay kacdoon hubaysan iyo jabhado ay dabada ka riixayeen Maraykanka , Israel iyo dalalka Turkiga iyo kuwa Khaliijka,  kuwaas oo la baxay magacyo kala duwan isla markaana sheegtay innay yihiin Suniyiin doonaya in ay xukunka ka tuuraan Bashar, laakiin Iran iyo Ruushka ayaa garab istaagay Bashar Al-Assad, iyadoo dagaalka ugu weyn muddo sannado ah ka socday Aleppo.

Xulufadda ayaa ku guuladaraysay in  kooxaha dagaalyahanka xukunka ka tuuraan Xukuumadda Suuriya, waxayna qaarkood dalalka uu Maraykanku u horeeyo kala baxeen Ciidamadooda goobbaha hirdanka dagaalka, iyadoo dalalka Carabnta qaarkood dhinaca Bashaar Al-Assad u leexdaan, wallow aan qorshihii isku dayga aannay ka hadhin xullufadu guuldarada kaddib, waxa la beegsaday Hoggaamiyihii Iran ee Ilaalada Kacaanka ee Quduz General Haj, Qasem Soleimani oo lagu dilay Ciraaq January 7, 2020 , iyagoo u arkayay inuu door weyn ka ciyaarayay diyaarinta qorshayaasha Xamaas ee ku waajahan Qaza iyo dhulka Falastiin iyo sidoo kale, Xizbullaah iyo dagaalyahanka dhinaca Yemen.

Hase yeeshee wax walba oo bariga dhexe ah, waxay is bedeleen markii uu dhacay weerarkii sababay duulaanka Israel ee Qaza 2023, kaas oo jiha aan la sadaalin karin u kexeeyay collaada Bariga dhexe,

La soco —–

Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com