Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Dalka Hindiya waxa uu ka mid yahay meelaha ay haweenku kala kulmaan tacadiga iyo xurmayn la’aanta ugu daran, arrintaasoo gaadhay heer dumarka loo kala iibsado sida xoolaha amma lala mid dhigo sida badeecadaha ninku ka iibsan karo meheradaha ganacsiga.
Sida lagu ogaaday filim dukumantari ah oo laga baahiyey barnaamijka la yidhaah 101 East ee ka baxa telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, tacadiyada ugu badan ee lagula kaco haweenka la kala iibsado, waxa ay ka dhacaan Gobolka Haryana oo ku yaal waqooyiga dalka Hindiya.
“kala jeclaysiga wiilasha iyo hablaha ee dalka Hindiya, ilmaha hooyadu iska soo rido marka ay ogaato inay gabadh tahay, dilka hablaha yaryar marka u horaysa ee ay dhashaan iyo jeclaysiga ilmaha labka ah, waxa ay keeneen xaalad halis ah oo muujisay isku dheeli-tir la’aanta labka iyo dhegiga ee dalka Hindiya. Waxa dhacday in dumarku aad u yaraadaan, kadibna raggu sida xoolaha u iibsadaan gabadh ay guursadaan, gaar ahaan Gobolka Haryana.” Sidaa waxa lagu yidhi warbixinta laga diyaariyey dhibaatooyinka foosha xun ee lagula kaco dumarka reer Hindiya.
Waxa abuurmay kooxo ma-gafayaal ah, kana ganacsada suuqa iibka haweenka, kuwaasoo qaybo badan oo dalka Hindiya ah ka soo qafaasha amma afduubta hablayo yaryar, kadibna ka iibiya rag guur-doon ah oo ku nool degaanka Gobolka Haryana ee dalkaas, iyadoo gabdhaha la kala iibsado si xun loola dhaqmo, isla markaana laga qariyo waalidka iyo dadka ehelka u ah.
Daraasad laga qaaday 10 kun oo dumar la qabo ah, kuna nool Gobolka Haryana, ayaa lagu ogaaday in 9 kun oo dumarkaas ka mid ah yihiin qaar laga soo guursaday degaannada Hindiya ee ka baxsan gobolkas, kuwaasoo ah qaar loo kala iibsaday sifo axmaqnimo ah, iyadoo sidoo kale la ogaaday in qaybo haweenka ka mid ah la sii kala iibsado ilaa saddex jeer amma saddex gacmood u kala wareegaan.
Hawlwadeennada Al-jazeera oo la kulmay gabadh magaceeda lagu sheegay Sanjida, ayaa sheegtay in laga soo qafaashay qoyskooda uu ku nool gobolka Waqooyi bari ee Assam iyadoo da’deedu tahay 10 sanno jir, loona iibgeeyey degaanka Haryana.
“Si xun ayaa la iigu shaqaystaa, waxa la ii diraa shaqooyin aad u adag, sida in aan cawska guro, lo’da quudiyo iyo nooc kasta oo shaqo ah, muddo sannad ah ayaan oohin ku jiray, waxaanna afduub ahaan la ii haystay muddo afar sanno ah, kadibna markii dambe waxa laga iibiyey nin xoog igu guursaday, manay jirin meel aan u baxsado,” ayey tidhi gabadha la yidhaah Sanjida oo muddo dheer kadib la soo badbaadiyey.
Waxa ay hadda u shaqaysaa Urur NGO ah oo caawiya dumarka la kala iibsado, waxayna tidhi; “Dhammaanba dadka ku nool Gobolka Haryana wax ixtiraam ah uma hayaan dumarka annaga oo kale ah, cid kastaana waxay sheegaan in aan wax xushmad iyo tixgelin ah loo samayn naftayada, waxaanna la noo kala iibsadaa sida riyaha iyo sacaha oo kale, aad ayaanan u murugoonaa marka aan waxaas oo kale maqalno, sababtoo ah waxa aannu nahay dad bani’aadam ah oo u dhashay dalka Hindiya sida kuwa na iibsada oo kale.”
Gabadh kale oo magaceeda lagu sheegay Muklesha, ayaa si xoog ah loo haystay muddo ka badan 12 sanno, waxaanna laga iibiyey nin axmaq ah oo si xun ula dhaqmi jiray, una garaaci jiray, balse waa laga soo badbaadiyey markii dambe iyadoo haysatay inan yar oo 18 bilood ah jirta.
“Laba nin ayaa isaga kala dambeeyey oo midba mar iibsaday, si axmaqnimo ah ayaana loola dhaqmay, waa la garaaci jiray markasta, afka ayaana burburay, maskax ahaana dhaawac ayaa gaadhay. Hadalku kama soo baxayo, in la fahmana way isku dayeysaa.” Sidaa waxa tidhi Mrs. Sanjida oo ka hadlaysay xaaladda ay ku sugan tahay gabadh muddo 12 sanno ah gacanta ugu jirtay nin iibsaday.
Dumarka nasiibka u yeesha inay ka baxsadaan ragga iibsaday, ayaan wax awood ah u lahayn inay dacwad ku oogaan cidda dambiga ka gashay, mana helaan cid caawimo u fidisa si ay sharciga ula tiigsadaan dambiilayaasha sida xoolaha u kala iibsaday.
“Waxa jira dumar dacwado soo gudbiya oo jeclaysta inay caddaaladda horkeenaan kuwa dhibaatooyinka u gaystay, gaar ahaan kuwa dumarka iibiya, balse, nin awood badan leh oo ku dhex nool bulsho aan dumarka laga tixgelin way adag tahay in dacwadiisa la dhegaysto amma la isa soo hor fadhiisiiyo isaga iyo gabadha uu iibiyey.” Sidaa waxa yidhi Mr. Narender Singh oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Gobolka Haryana ee dalka Hindiya.
Waxa kaloo uu sheegay in aanay dumarku lahayn wax xaq ah, gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca dhaxalka, waxaannu yidhi; “Annigu weli bal waan eegi doonaa inay sharci ahaan yeelan karaan dhul u gaar ah oo magacoodu ku qoran yahay, laakiin inta aan taas la gaadhinba waxa aan dumarka laga ogolayn dhinaca qoysaskooda, lamana tixgeliyo.”
Dukumantariga Al-jazeera soo bandhigay ee wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa lagu waraystay Agaasimaha Fulinta Hay’adda Arrimaha Dadweynaha (Population Foundation) ee dalka Hindiya Mr. Poonam Muttreja, ayaa sheegay in dumarka loo kala iibsado si loo guursado ay xidhiidh la leedahay dhaqanka foosha xun ee dalka Hindiya ee ah in aan wax tixgelin ah loo samayn haweenka.
“Arrintu maaha in carruurta lagu kala xusho dhinaca jinsiga, balse xaaladdu waa dilka ubadka dhediga ah, waana qiimo la’aanta hablaha lo ohayo,” ayuu yidhi Mr. Poonam Muttreja oo sidoo kale arrimaha qoyska kala taliyaha xukuumadda Hindiya.
Dawladda Hindiya, ayaa hadda ku mashquulsan diyaarinta sharci lagula dagaalamo dadka ka ganacsada iibka haweenka, laakiin dadka u ololeeya xuquuqda dumarka, ayaa aaminsan in aannu sharcigan waxba ka qaban doonin dumarka guurka loo iibsado.
“Sharcigu waxba qaban maayo ilaa inta la beddelayo hab-dhaqanka iyo caadooyinka guunka ah ee bulshadu ka aamisan tahay hablaha, mana beddeli kartid farqiga u dhexeeya ragga iyo dumarka, sidoo kale ma beddeli kartid ixtiraam la’aanta loo hayo dumarka. Dumarka loo kala iibsado si loo guursado amma sida xoolaha lacagta loo siisto waxa ay ka turjumaysaa fikirka ah in aan wax qiimo ah loo hayn dumarka,” yidhi Mr. Poonam Muttreja.
FIIRO GAAR AH: Hab-dhaqankan foosha xun ee lagula dhaqmo dumarka reer Hindiya waa caadooyin ka baxsan anshaxa bani’aadanimada, waxaanna sabab u ah aqoon-darro iyo jaahilnimo bulshada ka haysata xigmadaha Ilaahay (SWT) u abuuray labka iyo dhedigga, iyadoo sidoo kale aannu dhaqankaasi ahayn mid diinta islaamku ogoshay oo dambi weyn ah if iyo aakhiro.