Somaliland: Maxaa La Gudboon Madaxweynaha Cusub Cabdiraxmaan Cirro?

#Araweelo _News _Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa dhowaan soo saaray wareegto dhalisay dooddo iyo hadalhayn baddan oo la xidhiidha xilliga shaqooyinka xafiisyada dawladda lasoo gelayo iyo xilliga laga baxayo.

Sidoo kale, waregtada waxa ka dhashay su’aalo la xidhiidha arrimo lagu miisaamayo waxyaabaha xukuumadda cusub looga baahanyahay iyo qorshayaasha mushkiladdaha shaqa la’aanta ee sabab u noqday in Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladdu noqdaan meesha keliya ee shaqo laga doonto, iyadoo aannay jirin baahi sababtay shaqaalaynta.

Wareegtada Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 21 Dec 2024, toban maalmood ka hor ayaa la dhaqangeliyay labadii maalmood ee u danbeeyay, taas oo la xidhiidha Isbedelka uu balanqaaday Madaxweynuhu xilligii kaanbaynka oo halku dhega olollihiisu ahaa “Isbeddel”.

Wareegtada lagu kordhiyay sacaddaha shaqada ee xafiisyadda, oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-007/122024, wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan oo cuskaanya Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qoddobka 10aad ee Xeerka Shaqaallaha Dawladda, Xeer Lr: 97/2021 oo Jidaynaya in Saacaddaha Shaqada ee caadiga ah (Normal working hours) ee Shaqaallaha Dawladdu ay yihiin siddeed saacadood maalintii, oo toddobaadkiina noqonaya 48 saacadood, marka laga reebo Bisha Ramadaan oo saacaddaha shaqada laga jarayo saacad. sidaa awgeed wuxuu waregtada ku sheegay in iyadoo la ilaalinayo saacaddaha Shaqada si loogu adeego Bulshada.

Sidoo kale, wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu xusay in Mas’uuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladdu ay xaqiijiyaan in shaqaallahoodu ay u illaaliyaan saacaddaha shaqada, isla markaana ay iska xaadiriyaan goobbahooda shaqo si joogto ah, haddii aanay jirin duruufo u diidaya ama aannay haysan fasax sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa lagu wargeliyay in Hay’adda Shaqaallaha Dawladdu soo saarto Jadwalka Saacaddaha Joogtada ah (Regular Working Hours) iyo Jadwalka saacaddaha kaalaysiga ah, (Shifts) sida oo kale-na ay dejiso nidaam ay ku kormeerto, kaas oo ay kula soconayso habsami u socodka shaqada iyo saacaddaha shaqada ee shaqaallaha dawladda, kana diyaariso war-bixin iyo talooyin ay u gudbiso Xafiiska Madaxweynaha si waafaqsan Xeerka Shaqaallaha Dawladdaa Jamahuuriyadda Somaliland Xeer Lr: 97/2021 .
Madaxweynuhu wuxuu xusay in ujeedada laga leeyahay wareegtada ay tahay in maadaama ay Shaqaallaha Dawladdu udub-dhexaad u yihiin habsami u socodka iyo xil-gudashada Hay’addaha Dawladda,  isla markaana ay mas’uul ka yihiin maamulidda iyo taabagelinta qorshayaasha iyo siyaasaddaha Xukuumadda ee dar-dar gelinta iyo kor u qaadidda xaaladdaha shaqo ee Hay’addaha Dawladda si loo xaqiijiyo in shaqaallaha dawladdu ay fuliyaan waajibaadkoodii shaqo iyo in la gaadhsiiyo shacabka adeegyadii ay u baahnaayeen.
In baddan oo ka mid ah Bulshada ayaa soo dhowaysay wareegtada Madaxweynaha oo durba laga arkayay innay ka dhaqan gashay xarumaha dawladda qaarkood, balse wareegtada saacaddaha shaqada ee kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ay ka dhasheen dooddo, waxay falcelinta dadka qaarkood ku tilmaameen in aannay waxba ka beddelayn hawlaha xafiisyadda dawladda iyo Ha’yaddaha kale ee xukuumadda sida hore looga arkay qorshe noocan ah oo ay la yimaadeen xukuumaddii hore.
Dadka qaba dooddahaa danbe ayaa tilmaamaya saluug baddan ay bulshadu ka qabtay saacaddaha ay marka horeba shaqooyinka wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda aannay ahayn inta baddan kuwa u qalma in lagu tilmaamo goobbo u adeega Bulshada, sababo la xidhiidha dhanka adeegii loo baahnaa oo aannay ka helayn. sidaa awgeed ay lagama maarkaan tahay in saacaddaha xafiisyadda la joogo si furan loogu adeego bulshada oo aannay noqon xafiisyaddu kuwo u shaqeeya sida dhaqanka noqotay ee looga bartay in saacaddaha yar ee la joogo aannay xataa bulshadu hawlaha kaga xidhma fursad u helin oo ay noqdaan goobbo mararka qaar aan ahayn goob adeeg ee u muuqada xarumo millateri. sidaa awgeed aannay waxba soo kordhinayn in sacaddaha shaqada la kordhiyo, balse loo baahanyahay in shaqooyinka xafiisyadu noqdaan kuwo u qalma innay u adeegaan Bulshada oo la hagaajiyo hawlaha guddaha xafiisyada, isla markaana aannay noqon goobbo xidhan oo aannay Bulshadu inta baddan waxyaabaha ay uga baahan yihiin ay si dhab ah uga dhammaysan karaan.
Dooddaha sidan ah ayaa soo jeedinaya in dadka hawlaha adeegyada Bulshada ee xafiisyada dawladda ay noqdaan kuwo fahamsan sababta ay halkaa u joogaan iyo waajibaadkooda shaqo iyo masuuliyada ka saaran inuu Bulshada si siman ugu adeego.
Sidoo kale, waxa jira doodo kale oo sheegaya in shaqaalaha wax-soo-saarka sida warshaddaha la kordhiyo saacaddaha ay shaqaynayaan oo xataa meelaha qaarkood ay habeenkii shaqooyinka soo galaan si ay u kordhiyaan wax-soo-saarka, sidaa awgeed marka hore aannay xafiisyadda dawladdu ee wasaaradduhu ahayn goobbo wax–soo-saar, marka laga reebo wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addo tiro yar oo kale, wallow aannay miisaan weyn lahayn, sidaa awgeed ay ka haboon tahay in qorshaha saacaddaha lagu beddelo qaab kale, maadaama ay shaqaallaha xilligan xataa aannay dhaqaale ahaan daboolayn baahiyaha iyo duruufaha nollosha qoysaskooda mushahaarka ay qaataan oo aannay ku laaban karin guryahooda.
 Dooddo kale, ayaa tilmaamaya in aannay shaqaallaha wasaaraddaha iyo Hay’addaha intooda baddan ahayn kuwo ay keentay baahi ka jirta goobbaha ay ku qoran yihiin, kuwaas oo meelaha qaar wasaaraddaha aannay qaadayn haddii ay soo wada xaadiraan, iyadoo aannay jirin wax hawl ah oo ay qabanayaan haddiiba ay soo xaadiraan, iyadoo shaqalaha iyo xarumaha dawladdu ku urursan yihiin oo keliya Caasimadda Hargeysa, balse taas beddelkeeda loo baahnaa in la daadejiyo maamulka oo ay wasaaradduhu iyo Hay’adduhu xarumo ku yeeshaan gobolada dalka oo dhan, ama qaarkood xarumahoodu noqdaan gobollada kale, si ay meesha uga baxdo mushkiladaha ay la kulmaan muwaadiniinta ka yimaada gobollada ay khasab noqotay innay Caasimadda u yimaadaan adeeg ay uga baahdeen Xafiis dawladeed, taas oo qaadata muddo haddiiba ay awooddaan innay safarkaa dheer soo galaan.
Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahanyahay qorshayaal kale oo xukuumaddu ku abuurto shaqooyin si mushkilada shaqo la’aanta oo noqotay dhibaatada ugu weyn iyo wax-soo-saar la’aanta meesha looga saaro, isla markaana loo kobciyo dhaqaallaha dalka oo aad u liita iyo wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda oo noqday meesha keliya ee dhalinyaradu doonayaan innay u shaqa tagaan si ay u galaan diiwaanka mushar bixinta, taas oo lagu macnayn karo innay wasaaraddaha iyo Hay’addaha qaranku noqdeen kuwou muuqda xarumo xannaano oo dadka lagu ururiyo, iyadoo aannay jirin wax shaqo ah oo looga baahanyahay iyo baahi ka jirta oo sababtay kordhinta shaqaallaha ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda oo qaranka ku noqday dhiig-bax,
Sidaa awgeed waxa loo baahanyahay inXukuumadda Madaxweyne Cirro la timaado qorshayaal qaran oo xal u ah dhibaatada oo wax ka taray mushkilada dhabta ah ee jirta.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com