X
    Categories: Qubanaha

Dood Ka Taagan Laba Hablood Oo Wallaalo Ah Oo Dalka Sucuudiga U Dhashay Oo Maydadkooda Laga Helay Webiga Hudson Ee Maraykanka

Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa afka xiran maydkooda laga helay daanta Webiga Hudson Lahaanshaha sawirka NYPD

 

New York, (ANN)-Booliska magaalada New York, ayaa baadhaya dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay Dalka Sucuudiga,  kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xidhay maydadkooda.

 

Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa waxaa maydkooda laga helay Arabacadii lasoo dhaafay,  iyagoo is eegaya, isla markaana ku lebisan saraawiil iyo jaakado madow oo dhexda iyo garbaha laykaga xidhay, oo aanay wajiyadooda ka muuqan wax nabaro iyo uur ku taalla ah, sidaana waxa shaaciyay Booliska magaalada New York.

 

Dood ayaa ka taagan dhimashada labadaa gabdhood, iyadoo dembi baadhayaashu ay sheegayaan in ay tahay xilli hore in wax go’aan ah laga gaadho haddii fal dambiyeed uu dhacay amma ay iyaguba isdileen.

 

Labada Gabdhood ee mayadadkooda laga helay Webiga Hudson,  ayaa dhawaan Mareykanka weydiistay magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegeen Boolisku.

 

Gabdhahaa walaalaha ah iyo hooyadood ayaa dalka Sucuudi Carabiya ka soo guuray sannadkii 2015-kii, iyagoo degey magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia, waxaana gabdhahaasi lagu yaqaannay inay mararka qaar gurigooda ka baxsadaan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanku, balse sababta ay gurigooda uga baxsadaan lama cadayn.

 

Hasayeeshee baadhayaasha ayaa sheegaya inay jahawareer tahay sababta maydkooda looga helay daanta Webiga Hudson, kaasoo  400 km u jira meeshii uu qoyskoodu deganaa.

 

Qunsuliyada Sucuudiga ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saareen  saraakiisha safaaraddu, isla markaana waxay xuseen in  ay la xidhiidheen qoyska labadaa gabdhood, sidoo kale, waxa bayaankaa lagu xusay in labada gabdhood ee walaalaha ah ay Arday ahaayeen “oo ay u wehel yeelayeen walaalkood oo jooga magaalada Washington”.

 

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa booliska magaalada New York, ayaa sheegtay in maalin ka hor inta aan maydka gabdhahaasi la soo helin, uu hooyadood soo wacay sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga, isagoo qoyska ku amray inay dalka isaga tagaan maadaama ay gabdhuhu Mareykanka ka dalbadeen magangalyo siyaasadeed.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post