X

Donald Trump Oo Aqalka Cad ka Caydhiyay in Ka Baddan Kun Shaqaale Ah Iyo Ergaygii Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

#Araweelo_News_Network

Washington (ANN(-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu shaqada ka ceydhiyay Brian Hook,  kaas oo ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Iran intii uu xilka hayay, isagoo u dabaaldegayay Trump kusoo laabashada Aqalka Cad Isniintii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Madaxweynaha cusub ayaa ka caydhinaya  shaqada ay ka hayaan Aqalka Cad in ka baddan kun qof oo maamulkii hore ee Madaxweyne Biden.

“Maalinteennii ugu horraysay ee Aqalka Cad weli ma dhammaan!Xafiiskayga Shaqaallaha Madaxtooyada ayaa si firfircoon u aqoonsanaya oo meesha ka saaraya in ka baddan kun qof oo hawladeeno ahaa oo ka tirsan maamulkii hore kuwaas oo aan la jaanqaadin aragtideena ah in aan mar kale Maraykanka ka dhigno mid weyn,” Trump ayaa ku sheegay sidaa qoraal uu ku qoray Truth Social wax yar ka dib saqdii dhexe.

Madaxweyne Trump waxa uu ku daray, “Brian Hook oo ka socda Xarunta Wilson Center for Scholars… WAA LAGA eryay!”

Hase yeeshee Ma cadda booska Hook laga eryay sababtoo ah wuxuu sidoo kale ku lug lahaa maaraynta shaqaaleysiinta Trump ee waaxda gobolka.

Intii lagu guda jiray madaxwaynihii hore ee Trump, Hook waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray sidii uu ugu guulaysan lahaa cunaqabataynta culculus ee maamulkii hore ee xilligii Madaxweyne Trump, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dhaqaallaha Iran, isla markaana culays saaray dhaqaallaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Dhinaca kale, Madaxweynaha xilka kusoo laabtay ayaa la saadaalinayaa inuu wax baddan ka beddelo Siyaasadda guddaha iyo mawqifkiisa dhabta ah ee ku waajahan siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan aduunka, laakiin waxa la saadaalinayaa in Madaxweyne Trump in uu waajahayo kacdoono durba kasoo muuqda guddaha, iyadoo tallaabooyinka uu qaaday ay meesha ka saareen waxyaabo baddan oo Madaxweynihii hore dhaqangeliyay, balse Madaxweyne Trump gacantiisa ku buriyay saxeexiisa, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen burburka Maraykanka oo uu meesha ka saaray dhammaantood.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post