X
    Categories: Qubanaha

Dhismayaasha Iyo Nashqadaha Shirkadda Aflax Construction Company Oo Soo Jiitay Bulshada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Dhismayaasha iyo Nashqadaha Shirkadda dhismaha ee Aflax Construction,
ayaa soo jiitay Bulshada Somaliland. Kadib dhismayaal Bilicdoodu sarayso ka yegleeshay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, iyadoo sidoo kale nashqado cusub oo casri ah, kusoo kordhisay dhisamayaasha.


Dhisamayaal cajiib ah oo ay shirkaddu ka hirgelisay Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco iyo Berbera, ayaa si weyn usoo jiitay dareenka iyo Shucuurta dadka doonaya inay wax dhistaan iyo shirkaddaha danaynaya dhismayaasha iyo xarumaha cusub.
Eng. Aadan oo ah mulkiilaha Shirkadda Dhismaha ee Aflax Construction Company oo xarunteeda u weyni tahay Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay aasaaskii shirkadda iyo qaabka ay u guulaysatay shirkadda Aflax Construction Company ee u noqotay hormoodka shirkaddaha dhinaca dhismayaasha ee ka jira Somaliland.


Sida uu sheegay Eng. Aadan, Aflah Construction Company, waxa la aasaasay sanadkii 2000, isagoo xusay in shirkadoodu dhismayaal waaweyn oo casri iyo Guryo ka dhistay Magaalooyinka weeweyn ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay u dhiseen Shirkaddo, Hay’addo kuwa dawli ah iyo kuwo aan dawli ahayn iyo sidoo kale guro ay dhisteen Bulshada kale oo inta badan dadka qurbajoogu yihiin kuwa ugu baddan ee xidhiidha la leh shirkadda Aflah Construction Company.
“macaamiisheeda iyo cidkasta oo danaynaysa inay dhisato guryo noockasta iyo fooqyo ay shirkaddu ugu bushaaraynaysaa naqshado cusub iyo qiime macquul ah.” Sidaa waxa yidhi Eng. Aadan.


Shirkadda Aflax Construction Company oo aad uga barateen dhismaha guryo bilic leh iyo soo dhawayn fiican waxay macaamiisheeda iyo cidkasta oo danaynaysa inay guryo dhisato ugu bushaaraynaysaa inay u keentay naqshado dhismayaal cusub oo kala duwan, sida Bangalooyin, Dhismayaasha dhaadheer ee Fooqyada, Dhismayaasha goobaha waxbarashadda iyo guryo fiilooyin ah.


sidoo kale waxay shirkaddu ugu bushaaraynayaa macaamiisheeda inay qiime dhimis u sammaysay dadka danaynaya inay guryo ka dhistaan magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Sheekh oo ah magaalooyinka ay dhismayaasha ugu badan ka samaysay.
Shirkadda Aflax waxay ku leedahay ha moogaan inaad soo gaadho xafiiska Guud e shirkadda oo ku yaal dhinaca Koonfur ee Fooqa Farah Joome. amma booqo oo kala xidhiidh website-ka shirkadda www.aflahconstruction.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post