X

Dhalinyaradda Waddamada Bariga Dhexe Oo Noqday Kuwo Caaddo ka Dhigtay Isticmaalka Internet-ka


Daraasad cusub oo laga sameeyey dadka la qabatima internet-ka, ayaa lagu ogaaday in 182 milyan qof ay si xun ula qabatimeen isticmaalkiisa, isla markaana ay saacado aad u badan dul fadhiyaan kombuyuutarka si ay internetka u adeegsadaan.
Cilmi-baadhistan waxa kale oo ay daboolka ka qaaday in waddamada Bariga Dhexe ay yihiin kuwa ugu isticmaalka badan adduunka internetka, dhallinyaradooduna waqtigooda ugu badan ku lumiyaan.
Baadhitaanno ay si wada jir ah u sameeyeen Jaamacado badan oo ay ugu horrayso Jaamacadda Hong Kong, ayaa lagu ogaaday sida dadku ugu ula qabatimaan internetka.
Khubarada cilmi-baadhistan samaysay waxay si gaar ah u doorteen 80 daarassadood warbixinahooda oo laga diyaariyey dadka mareegaha isticmaalooda kla qabatimay, gaar ahaan 31 dal oo toddoba mandaqadood oo adduunka ah ku yaala.
Waxa ka mid ah gobollada sida gaarka ah loo doortay Maraykanka, Australia, Austria, Estonia, France, Germany, Ireland, Norway, Sweden, Ingiriiska, Bulgaria, Cyprus, Czech Republic, Greece, Hungry, Italy, Poland, Romania, Serbia, Slovania, Spain, Iran, Israel,Lebanon, Turkey, China, Hong Kong, India, South Korea, Taiwan, iyo Columbia.
Marka laga yimaado daraasadan tirada badan ee dibka loo eegay, waxa haddana baadhitaan lagu sameeyey sida ay internetka u isticmalaan 544 qof oo dalalkan ku kala nool.
Waxaana laba meelood oo is leeg look ala qaybiyey lab iyo dhediga daraasada ku jira, kuwaasoo 49% rag ahaayen, da’dooduna u dhaxaysay celcelis ahaan 18.42 sannadood.
Macluumaadkana waxa lagu mideeyey qaran kasta sida maxali ahaan dadkiisu internetka u isticmaalo, gaar ahaan warbixinaha inta qof ee mareegaha isticmaasha, waxaanay daraasadu iftimisay in dadka internetka isticmaala 31 dal ee la doortay celcelin ahaan yihiin 6%, gaar ahaan waxa dalka ugu badan ee dadkiisu la qabatimaan internetka uu yahay Bariga dhexe, iyagoo noqday 10%, kuwaasoo ay ka mid yihiin Iran, Israel, Lebanon iyo Turkey, halka dalka ugu hoseeya ee dadkoodu internetka isticmalaan yihiin Waqooyiga iyo Galbeedka Yurub, kuwaasoo 2.6% intnetka isticmalaan
Waddamada kalena waxay u dhaxeeyaan labadaas mandaqadood ee aynu soo sheegnay ee midna internetka aad u isticmaasho, qaarna dadkoodu aad ugu yar yahay isticmaalka internetka.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post