X
    Categories: Qubanaha

Dhacdo Naxdin Leh: Nin Toogtay Dhakhtar ka Umuliyey Xaaskiisa

Araweelo News Network

Riyadh(ANN)Nin u dhashay waddanka Boqortooda Sucuudi Carabiya, ayaa toogasho ku dhaawacay dhakhtar ka umuliyey xaaskiisa oo foolanaysay cusbitaal la yidhaa King Fahad Medical City oo ku yaal caasimadda dalkaas ee Riyadh.
Sida lagu baahiyey wargeyska Gulf News oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, dhakhtar magaciisa lagu sheegay Muhannad al-Zabn, ayaa ka umuliyey haweenay foolanaysay oo la geeyey cusbitaalka uu ka hawlgalo bishii April ee sannadkan, iyadoo aanay gabadhu wax dhibaato ah kala kulmin foosha iyo umushaba.
Hase ahaatee, sayga haweenaydan oo magacooda la qariyey, ayaa si xooggan uga cadhooday in dhakhtar nin ah ka umuliyo xaaskiisa, isla markaana arko cawrada ooridiisa, isagoo qorshihiisu ahaa in haweenay dhakhtar ah fuliso hawshaas, waxaannu in muddo ah ku hawlannaa sidii uu u aqoonsan lahaa ninka xaaskiisa ka umuliyey.
Aabbahan cadhooday ayaa markii uu aqoonsaday ninka dhakhtarka ah, waxa uu la sameeyey xidhiidh, isagoo ka codsaday inuu doonayo inay is arkaan si uu ugu mahadnaqo sida fiican ee dhib yaraanta ah ee uu ugu guulaystay inuu ooridiisa uga umuliyo, waxayna labada nin ku ballameen inay ku kulmaan gudaha cusbitaalka.
Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah markii ay kulmeen, ayaa ninka cadhaysanaa, waxa uu si degdeg ah ula soo baxay baastoolad oo haystay, isagoo si badheedh ah u toogtay ninka dhakhtarka ah, kadibna eedaysanaha falka toogashada ah fuliyey, ayaa ka baxsaday goobta uu ninka ku toogtay, iyadoo dhakhtarku galay xaalad miyir doorsoon ah.
Ciidanka Booliska Sucuudiga oo lagu wargeliyey falka toogashada ah, ayaa muddo kadib ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan ninka toogashada sameeyey, kaasoo ka hinaasay in dhakhtarku arkay xaaskiisa oo qaawan markii uu ka umulinayey.
Dhakhtarka la toogtay, ayaa ka badbaaday falka isku dayga dilka ahaa, balse, xaaladiisa caafimaad, ayaa liidata, kaasoo saraakiisha caafimaadku sheegeen inuu marba marka ka dambeeya ka soo ladnaanayo, xaaladiisuna soo hagaagayso, iyadoo falkan noqday mid ka yaabiyey dadweynaha ku dhaqan waddanka Sucuudiga ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post