Araweelo News Network
Madaxweynaha dalka Brazil ee qaaradda Koonfurta Ameerika Mr. Michel Temer, ayaa sheegay in qasriga Madaxtooyada ee hoggaamiyayaasha dalkaas loogu talagalay uu uga guuray rooxaan iyo waxyaabo uu ka shakiyey oo uu xusay inay naftiisa ku beereen baqdin.
Madaxweyne Michel Temer ayaa toddobaadkan ka yaabiyey siyaasiyiinta iyo warbaahinta, kadib markii uu raray qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa iyo wiil toddoba jir ah, una guuray guri yar oo inta badan Madaxweyne-ku-xigeennada loogu talaglay in ay degaan.
Qasriga Madaxtooyada ee looga taliyo dalka Brazil, waxa naqshadeeyey injineer u dhashay dalkaaas oo magaciisu ahaa Oscar Niemeyer, waana hoy inta badan ay ku riyoodaan dad aad magac uga leh dalkaas. Waxa ku yaala barkad maydhashada ah oo aad u weyn, garoon kubbadda cagta ah, xarun caafimaad iyo waxyaabo kale oo aad u qurux badan oo raaxada loogu talagalay, balse Madaxweyne Temer oo 76 jir ah iyo xaaskiisa Marcela oo 33 jir ah waxa ay cabsi ka qaadeen qasrigan.
“Waxa aan dareemay in wax qariib ah meesha joogaan. Awood baan u yeelan waayey inaan seexdo habeenkii ugu horreeyeyba. Tamartu aad umay fiicnayn. xaaskayguna sidayda oo kale ayey dareentay. Inankayga yar oo ordayey koone ilaa koone ayaa jeclaaday. Waannu yaabnay, meesha ma rooxaan baa joogtay? Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha dalka Braziil oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Veja oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.
Dhinaca kale, sida lagu faafiyey wargeyska Globo, marwada kowaad ee dalka Brazil marwo Marcele Temer waxa ay sheegtay in meesha ay joogtay rooxaan aan la arkayn, taasina ay keentay in ay qasriga weyn ka guuraan oo ay degaan qasriga la yidhaa Jabru Palace oo Madaxweyne-ku-xigeennada loogu talagalay oo u dhaw qasriga Madaxtooyada dalkaas.
Madaxweyne Temer oo ahaa Madaxweyne-ku-xigeen ilaa sannadkii hore, ayaa xilka qabtay, kadib markii Madaxweyne Dilma Rouseff xil-ka-xayuubin lagu sameeyey, kadib markii lagu helay inay jebisay xeerka maaliyadda Brazil, taasina ay sharciyan Temer ka dhigtay inuu Madaxweyne dalka ka noqdo. Ilaa hadda cidi may buuxin jagadii uu banneeyey ee Madaxweyne-ku-xigeenka.