Araweelo News Network
Tuulo ku taal dalka Yemen, ayaa lagu arkay dhacdo cajiib ah, iyadoo dadka ku nool ay waqtiga habeenkii oo qudha wax arkaan, balse aanay waxba arag xilliga lagu jiro maalinta iftiinka ah.
Tuuladan oo la yidhaah Khashaba ee dalka Yemen, dadweynaha ku dhaqan waxa ay si fiican indhahooga wax ugu arkaan mugdiga gudcurka ah, waqtiyada maalintii ee iftiinka cadceedu jirana waxba ma arkaan, balse haddii cadceedu sidaa u dhacdo waxbay arkaan.
Qaar ka mid ah dadka degen tuulada koonfur galbeed ee magaalada Sanaca waxa badankooda haleelay saboolnimo aad u daran, biyo iyo korontana ma haystaan, taasina waxay keentay in aanay waqtiyada iftiinku jiro waxba aanay arag, aragooduna aad u liito, waxaanay aragoodu xooganaadaa marka ay cadceedu godkeeda gasho amma libidho.
Ilaa hadda lama soo sheegin dhacdo amma war la mid ah kiiska Yemen ka dhacay oo lagu arkay meelo kale oo caalamka ah, balse dhakhaatiirtu waxay sheegeen in arrintan ay tahay xannuun ku dhacay hide-sidayaasha (Genetic disorder) dadka tuuladan.
Dr. Xuseen Al Nufaily oo ka warqabay xaaladda magaalada, isla markaana daraasad ku sameeyey ayaa u sheegay Al Arabiya qaybteeda Ingiriisiga oo Jamhuuriya soo xigtay xaaladan ay keento waxyeelo soo gaadha qaybta isha ee laydhka u qaabilsan (retina) oo inta badana masuul ka ah in ay qaabisho iftiinka cadceeda.
Waxa jira laba qaybood oo indhaha ah oo iftiinka qaabila (Receptors of light), mid ka mid ah waxa uu qaabila iftiinka habeenkii, halka ka kalena iftiinka maalino uu qabto, laakiin kuwa ay saamayso xaaladan waxa ay 5% awood u yeeshaan in ay laydhka qaabilaan, taasina aakhirka waxa ay sababtaa in maalinimada aanay waxba arag, sida uu Dr. Nufaily sharaxay.
Dhakhtarkan waxa uu ku sheegay xannuunka noocan ah in la yidhaa “Cone Dystrophy”- kaasoo sababa in qofku laydhka waxba ku arki waayo iyo inuu qofku midabada arki waayo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladan noqon karto xannuun la yidhaa “hameralopia (indho la’aanta maalinimo) iyo Photophobia (In qofku midabada u dulqaadan kari waayo).
Xaaladda noocan ah oo haleesha dad kala da’da gedisan wax daawo ah ma laha, waxaana laga yaabaa in muraayadaha qaar dawo u noqdaan oo ay wax ku arki karaan xilliyada maalinnimada ah.