Araweelo_News_Network

Daraasado si weyn loogu lafa guray khatarta caafimaad ee ka dhasha isticmaalka Aaladdaha Tignoolajiga casriga ah ayaa sii kordhay, waxaana la ogaaday in Bakteeriyada loo yaqaan Staphylococcus aureus, iyo Coagulase-negative Staphylococci ay yihiin kuwa si dhab ah loo xaqiijiya ee la ogaaday innay yihiin noolaha ugu baddan ee la aqoonsaday ee ku jira taleefannada gacanta.

 

Taleefannada casriga ah, tablet-yada, laptop-yada, iyo shaashaddaha kale ee dhijitaalka ah ayaa siidaaya heerar sare oo iftiin muuqda oo dherer gaaban ah (tusaale ahaan gobolka midabka buluugga ah ee iftiinka muuqda).

Waa maxay caabuqa Staph?

Infakshanka Staphylococcal (staph) wuxuu keenaa marka bakteeriyada loo yaqaan Staphyloccocus ay soo gasho jidhka, badanaa iyada oo soo marta maqaar go’an ama nabar ah. xubnaha kale (tusaale, wadnaha, sambabada, ama lafaha).

Baadhitaanada la sameeyay ee Aaladdaha dhijitaalka ah, oo ay ku jiraan telefoonnada gacanta iyo shaashadaha kumbuyuutarrada, ayaa sidoo kale sii daaya iftiin buluug ah laakiin tiro yar si aynaan u arag mid aad u daran sida midabka buluugga ah ee cirka. Sida fallaadhaha UV ee ka soo baxa qorraxda, iftiinka buluuga ah wuxuu leeyahay hirar gaaban.

Sidaa awgeed khuburada Sayniska iyo xeel-dheerayasha dhanka Tignoolajiga ayaa ka digaya in Aaladdaha Taleefanadu ay gudbin karaan xanuunnada caadiga ah sida hargabka, shubanka iyo caabuqyada indhaha.

Daraasadaha qaar ayaa laga helay bakteeriyada sida MRSA (Methicillin Resistant Staphylococcus aureus) [3] iyo fayrasyada [4] sida fayraska hargabka ee taleefannada.

MRSA waa nooc loo yaqaan (staph), taas sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka u adkeysan karta dhowr antibiyootik. Khuburadu waxay sheegayaan in Qof kastaa uu qaadi karo caabuqa MRSA, ama wuxuu qaadi karaa MRSA. Khatartu waxay ku korodhaa dadka cusbitaalka la seexiyo ama guryaha lagu xanaaneeyo, taabashada maqaar-ka-maqaarka ee dadka kale (sida ciyaaraha xidhiidhka), iyo la kulanka meelaha dadku ku badan yahay iyo nadaafadda, sida ay sheegayaan daraasaduhu.

Sidoo kale, Taleefannada gacantu waxay sii daayaan shucaaca gobolka soo noqnoqda raadiyaha ee loo yaqaan ( spectrum electromagnetic). Taleefannada gacanta ee jiilka labaad, saddexaad iyo afraad (2G, 3G, 4G) waxay sii daayaan oo soo noqnoqda shucaaca inta jeer ee lagu qiyaasay  0.7-2.7 GHz. Hase yeeshee khatarta kale ee digniinta ah ayaa tilmaamay in Taleefannada gacanta ee jiilka shanaad (5G) sida la saadaaliyay, ama laga filan karo inmay isticmaalaan soo noqnoqda spectrum ilaa 80 GHz.

 Las soco qaybo kale oo la xidhiidha mawduucan