X
    Categories: Qubanaha

Dalka Malaysia Oo Sameeyay Diyaarad Muslimiinta Khaas U Ah

Araweelo News Network

Jakarta- Malaysia(ANN)Dalka Malaysiya oo ku yaal koonfurta bari ee qaaradda Aasiya, ayaa sameeyey diyaaraddii ugu horraysay gaarka u ah muslimiinta oo la yidhaa Rayani Air, taasoo duullimaadkeedii koowaad bilawday maalintii Axadda ee toddobaadkan, isla markaana dadka ka shaqaynayaan yihiin muslimiin, dhammaan cuntada macmiisha iyo rakaabka loogu talogalayna tahay xalaal.
Diyaaraddan waxa ka mamnuuc ah in lagu iibiyo cunto aan xalaal ahayn, sida khamriga iyo hilibka doofaarka, iyadoo shaqaalaha haweenka ee ka shaqaynayana ay waajib ku tahay inay xidhaan xijaab, halka kuwa aan muslimiinta ahayn qudhooda qasab ku tahay in ay u lebbistaan hab asturan, sida uu sheegay Maareeyaha shirkadda diyaaradda soo saartay Mr. Jaffar Zamhari.
Waxa kale oo diyaaradda ku rakiban eedaan xasuusinaya dadka waqtiyada salaadda ka hor inta aanay deign ama ku jiraan duullimaadkooda hawada sare.
“Waxa aannu nahay diyaaraddii ugu horraysay ee Malaysiiya ah ee shareecadda lagu maamulo, aad ayaannu ugu faraxsanahay in arrintan aan hirgelinnay,” ayuu yidhi Jaffar.
Sidoo kale, waxa jira diyaarado qorshahooda la diyaariyey oo nidaamkan u shaqaynaya sida mid Ingiriiska laga leeyahay oo la ydihaa Firnas Airways, taasoo sannadka soo socda bilaabi doonta duullimaadyadeeda, sida wakaaladda wararka ee Bloomberg News Agency baahisay oo Jamhuuriya soo xigtay.
Diyaaradahan waxa mamnuuc ka ah cuntooyinka aan xalaasha ahayn sida doofaarka iyo xoolaha aan loo gawracin sida shareecadda diinta islaamku dhigayso.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post