X

Dalalka Galbeedka Oo Ka Walaacsan Afgambiga Gabon Oo Noqday Kii Sideedaad Ee Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika

Madaxweynihii xilka laga tuuray, Cali Bongo Ondimba, xilli uu la kulmay Madaxda Sacuudiga, Image File Araweelo News Network, 2 Sep 2023

Cameroon iyo Rwanda Oo Qaaday Tallaabooyin Cusub

#Araweelo_News_Network.

Libreville(ANN)-Hoggaamiyaha cusub ee Millateriga dalka Gabon ayaa balan qaaday in uu dalka ku soo celin doono dimoqraadiyad, wallow uu diiday in la qabto waqti doorasho cusub ay ka dhici doonto dalka.

 

Gen Brice Oligui Nguema ayaa sheegay in hay’addaha dawliga ah ee dalka laga dhigi doono kuwo dimuqraadi ah, isla markaana xilligan ay ka joojiyeen dimuqraadiyada ay tahay mid ku meel gaadh ah.

 

Hase yeeshee isbaheysiga mucaaradka Gabon ayaa sheegay in Millaterigu aannay muujinin calaamado ah in ay xukunka dib ugu gacan geliyaan dowlad rayid ah oo dalka ka talisa.

Laxidhiidha: Niger: Millateriga Oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub Oo Shacab Ah

 

Madaxweynihii xilka laga tuuray, Cali Bongo Ondimba, ayaa toddobaadkan la geliyay xabsi guri. Kaddib markii xukunka laga tuuray, iyadoo waxba kama jiraan laga dhigay natiijadda doorashada ee la sheegay inuu ku guulaystay.

 

Saraakiisha ciidamada ayaa saacadihii hore ee maalintii Arbacada kasoo muuqday TV-ga dowladda iyagoo sheegay inay la wareegeen maamulka, taasoo soo afjartay 55-sano oo qoyska Bongo ay maamulayeen Gabon oo ku taal gobolka Badhtamaha Afrika.

 

Waxa ay sheegeen in ay baabi’iyeen natiijadii doorashadii madaxtinimo ee Sabtidii dhacday,taas oo lagu dhawaaqay in Mr Bongo uu ku guuleystay, balse mucaaradku ay sheegeen in uu ahaa mid wax isdabamarin ah oo aan sax ahayn.

Afgambigii ka dhacay Gabon waa kii sideedaad ee galbeedka iyo Badhtamaha Afrika ka dhaca tan iyo 2020, waxaana sidan oo kale afhenbi uga dhacay dalalka Niger, Mali, Guinea, Burkina Faso iyo Chad.

 

Dhammaan dhacdooyinka iyo ficilada ku habsaday galbeedka Afrika, waxaa si weyn u cambaareeyay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Faransiiska , iyadoo Faransiisku si gaar ah u canbaareeyay, maadaama uu hore u gumeysan jiray oo xidhiidh dhow la lahaa qoyska Bongo.

 

Mr Bongo, oo xukunka hayay tan iyo 2009, ayaa ka soo muuqday muuqaal xilli uu ku suganaa gurigiisa toddobaadkan, isagoo ugu baaqaya Saaxiibadiisa adduunka oo dhan inay buuq sameeyaan oo ay canbaareeyaan, isaga oo magaciisa ku hadlaya ayuu jeediyay dhawaaqaa.

 

Hase yeeshee waxa si weyn loola yaabay in tallaabada xukunka lagaga tuuray ee xil ka qaadistiisa, ayaa sidoo kale sababtay in la arko dabaal degayo dad baddan oo Gabon ah, kuwaas oo ka cadhooday maamulkiisa iyo qoyskiisa muddada dheer xukunka haystay.

 

Dadweyne fara badan oo ku sugan caasimadda Libreville iyo meelo kale ayaa lagu arkayay iyaga oo u dabaaldegaya ku dhawaaqista ciidanka horaantii todobaadkan.

Sidaa awgeed wuxuu noqday Hoggaamiye kale oo Afrikaan ah oo ay Ciidanku xukunka ka tureen, waxayna arrinta hoggaamiyihii Gabon Ali Bongo ay si isku mid ah u gilgishay maamulayaasha Qaaradda iyo Dimuqraadiyiinta reer galbeedka.

Cameroon iyo Rwanda labaduba waxay sameeyeen isbeddel degdeg ah oo ay ku sameeyeen ciidamadooda ugu sarreeya saacado gudahood markii uu afgambiga ka dhacay Libreville, taas oo ay doonayaan innay kaga badbaadaan inqilaab sidan oo kale ah.

Laxidhiidha: Niger: Maraykanka Oo Ku Hungoobay Dublamaasiyada Hoggaamiyayaasha Afgenbiga Millateri

Waxayna arrimahan noqdeen kuwo sabab u noqda innay ka werweraan xaallad inqilaab Ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo 45 ka mid ah 54-ta waddan ee qaaradda ay la kulmeen isku day afgambi, kaas oo muujinayay in Millaterigu xukunka la wareegayaan, taas oo mar kale kusii kordhay gobolka, maadamaa ay si cad u muujinay in aannay ka shaqaynayn dimuqraadiyaddu.

Afgambigii ka dhacay dalka Gabon ayaa ah kii ugu dambeeyay ee xidhiidhka ugu dambeeyay ee ay ciidamada Millaterigu kula wareegeen gobol muhiim ah oo ku yaal qaarada Afrika. Shan wadan oo kale oo gobolka ah ayaa sidan oo kale waxa ka dhacay afgambi. Ugu dambayntii Niger bishii hore. Sannadkii 2022, Burkina Faso waxay aragtay laba gelin wax ka yar sagaal bilood. Sannadkii 2021-kii, Ra’iis’al Wasaarihii Suudaan Cabdulla Hamdok ayaa lagu tuuray awood Millateri, iyadoo xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Omar Al-Bashir, isla sanadkaas Guinea iyo Mali waxay la kulmeen afgambiyo iyaga u gaar ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post