X
    Categories: Qubanaha

Dal soo Saaray Waraaqaha Codaynta oo Loogu Talogalay Indhoolayaasha

Araweelo News Network

Dalka Rwanda, ayaa ku guulaystay in ay hirgeliyaan, soona saaraan waraaqo loogu talogalay in ay ku codeeyaan dadka aragga naafada ah, gaar ahaan xilliyada doorashada madaxweynenimada sida Guddida Doorashooyinka ee dalkaasi u sheegeen wargeyska New Times.
Guddida Doorashooyinka Rwanda, ayaa waraaqahan ugu talogalay inay xaquuqdooda codaynta ku helaan dadka indhoolayaasha (Braille voting papers), kuwaas oo ay markii hore dhinaca codbixinta doorashooyinka ka caawin jireen, taasoo lagu ogaan jiray cidda ay codkooda siinayaan.
“Horumarinta diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ka soo baxday waxa ay tahay in lagu daro in dadka aragga naafada ka ah ee wax akhriyi kara isticmalaan waraaq u gaar ah oo loogu talogalay si ay codkooda u dhiibtaan. Bisha July waa la helayaa liiska codbixiyayaasha oo ay la socdaan waraaqaha indhoolayaashu ku codaynayaan oo daabacan.” Sidaa waxa yidhi Xogyaha Fulinta Guddida Doorashooyinka Rwanda Mr. Charles Munyaneza oo u warramay wargeyska Sunday Times oo Jamhuuriya soo xigtay.
Rwanda waxa doorashada madaxtinimadu ka dhici doontaa 4th August ee sannadkan 2017ka. In ka badan 6.6 milyan qof ayaa la rajaynayaa inay codkooda ka dhiibtaan doorashada soo socoda. Sidoo kale, qurba-joogga Rwanda waxa loo qoondeeyey inay codeeyaan 3 August oo ah maalin ka hor maalinta doorashadu si rasmi ah u bilaabmayso.
“Waxaannu rajaynaynaa inta u dhexaysa 50,000 ilaa 100,000 cod. Waxa kaloo raaci doona codadka dadka aragga naafada ka ah ee waraaqahooda codbixinta (Braille polling papers) loo diyaariyey, taasoo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin miisaaniyadda doorashada loo qoondeeyey,” ayuu yidhi Munyaneza.
Warqadda codaynta ee loogu talogalay dadka aragga naafada ka ah waxay ku qoran tahay far gaar ah (Braille) oo loogu talagalay in dadka aan waxba arkin faraha ku akhriyi karaan.
Golaha Naafada Rwanda NCPD (National Council for Persons with Disabilities), ayaa nidaamkan lagu tijaabiyey waqtigii ay is dooranayeen, taas oo noqotay tallaabo lagu guulaystay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post