X
    Categories: Qubanaha

Dal Afrikaan ah oo Lagu Arkay Cudur-dhaliya Halista Badan ee Sika (Zika Virus)

Araweelo News Network


Dawladda Angola ee qaaradda Afrika, ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay markii ugu horraysay laba kiis oo fayraska halista badan ee Sika (Zika Virus), kadib markii muddo saddex bilood uun ka hor ah uu dalkaas cudurka xummada huruudda amma qandho caseeya loo yaqaan (Yellow Fever) ku faafay, isla markaana dilay ugu yaraan 400 qof, balse aakhirkii la xakameeyey.
Sika (Zika) waa cudur-dhaliye ay sababto kaneecadu, kuna faafay in ka badan 60 dal oo adduunka ah iyo degaanno tiro badan, waxana markii ugu horraysay lagu arkay dalka Brazil sannadkii 2015ka, iyadoo qaylo-dhaan badan laga diray, kaas oo keena in ay dhashaan carruur aan caadi ahayn amma xaaladooda caafimaad dhammaystirnayn.
“Laga soo bilaabo muddo haatan laba bilood ah, ma aanaan hayn wax kiis ah, laakiin hadda waxa aan gacanta ku haynaa laba kiis oo Zika ah. Waa in aan qaadannaa tallaabooyin lagaga hortagayo, gaar ahaan waa in lala dagaallamo in kaneecadu dhalato.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Angola Mr. Jose Luis Gomes Sambo oo saxaafadda kula hadlay magaalada caasimadda ah ee Luanda maalintii Arbacada.
Dalka Angola waxa ay hadda ka soo kabatay Xummadda Huruudda ah amma loo yaqaan Qandho Caseeya (Yellow Fever), kaasoo ka dillaacay magaalada Luanda oo ah goob aad dadku ugu badan yahay, aakhirkiina si toos ah u gaadhay dalka koonfurta galbeed Afrika iyo waliba waddanka kale ee jaarka la ah ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo.
Ku dhawaad 12 milyan qof oo reer Angola iyo dalka Koongo (DRC) ah ayaa laga tallaalay cudurka Qandho Caseeya (Yellow Fever) sannadkii hore, kadib markii ay Hay’addaha Caafimaadka Adduunku qaaday olole arrinta ka dhan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post