X
    Categories: Qubanaha

Dadka Reer Kongo Baranbaranda Ayay Ka Jecel Yihiin Cunista Hilibka Lo’ada Qaramada Midoobay Oo Ku Amaantay Quudashada Cayayaanka

Sanadii u danbeeyay waxaa dadweynaha ku nool Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Kongo ku soo badanayey isticmaalka cayayaanka la dubo ee cunto ahaanta loo isticmaalo, talaabadan oo la aaminsan yahay inay daawo ka tahay sidii looga hortegi lahaa xaalada cunto yaraaneed ee mudada haysatay wadankaasi oo ay tirada dadkiisu gaadhayaan 65 Milion oo ruux.
Wargayska Dawan Cadadkiisii Maanta oo Sabti ahayd 25 July 2015 ayaa bogiisa lagaga faaloodo arimaha Qaaradda afrika waxa lagu daabacay warbixintan oo sheegaysa in Khubarada dhanka cuntada ee Qaramada Midoobay rajaynayaan in sida ay dadka wadankaasi u sii jeclaanayaan cunitaanka cayayaanka la solay ay fure u noqon karto dadaalada lagu gufaynayo mowjadaha cunto yaraanta ah ee wadankaa ku habsaday, iyadoo cunitaanka cayayaanka dadka ku dhex nool ay wadankaasi ka jirtay muddo Kun sanadood ah ka hor.
Suuqa weyn ee Gambella ee Magaalada Kinshasa caasimada jamhuuriyada Kongo kama madhna cuntada borotiinka leh sida hilibka lo’da iyo ka masaska, laakiin waxaad kale oo ka helaysaa ashuuno ama jalxado dhoobo ka samaysan oo ay ka buuxaan cayayaan ay ka mid yihiin Qudhaanjada waaweyn, Baranbarooyin iyo Gooryaanada gurguurta dhulka kuwaas oo ganacsi ahaan loo geeyey suuqaasi isla markaana aad loo iibsanayo.
Hay’ada cuntada adduunka ee world Food Programe ayaa dhowaan sheegtay in Lix milyan iyo badh qof oo u dhashay Jamhuuriyada Kongo Democratic inay haysato dhibaato cunto yaraan ah taasoo ay sii kordhinayaan hoos u dhaca ku yimid wax soo saarkii beeraha iyo xasiloonidarada ka taagan bariga dalkaasi.
Cunitaanka cayayaanka ee dhowaan ku fiday gudaha Kongo waxa loo arkaa karis dhaqameed udgoon iyo dhadhanba leh, waxana cayayaanka la dubay lagu bixiyaa meelaha munaasabadaha ah iyadoo lagu iidaamayo filfisha kulul, Liin dhanaanta iyo basasha.
Daraasad ay dhowaan Qaramada Midoobay ka samaysay qiyaasta dhexdhexaadka ee qoyska ku nool magaalada Kinshasa ee caasimada ah uu todobaadkii ka isticmaalo dirxiga iyo Gooryaan dhuleedka ayaa waxaa lagu ogaaday inay qiyaastaasi gaadho ilaa 300 Garaam, laakiin helitaanka cadad badan oo cayayaankaasi ah waxay ku xidhan tahay xiliyada isbedelaya iyadoo sicirka lagu iibsadaana uu isla bedelo.
Caasimadda Kinshasa qiimaha halkii kiilo ee barambarooyin ah waxuu gaadhaa ilaa 50 doolar, qiimahaas oo labo jeer ka sareeya qiimaha isla magaaladaas lagaga iibsado kiilaha Hilibka Lo’da ah.
Wasaaradda Deegaanka ee Jamhuuriyada Kongo iyo Hay’ada Cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa doonaya xiligan inay gacan ka gaystaan sidii loogu taageeri lahaa dadweynaha dalkaasi barnaamijyo ay ku dhaqan karaan cayayaanka ay hilibkooda jecel yihiin, taasoo looga dan leeyahay in qiimaha hoos loo dhigo. waxana barnaamijkan qayb ka ah haween loo tababarayo sida loo xanaaneeyo ee loo dhaqdo barambarooyinka iyo dirxi dhuleedka.
Waxaa isku soo duway: Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post