X
    Categories: Qubanaha

Dadka Gacanta Guran kuma Wanaagsana Xagga Kasbashada Dhaqaalaha

Araweelo News Network

Dadka Guran

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa tilmaamay in daraasad ay sameeyeen ka soo baxday in dadka guran (bidixlayaal) ay xagga dhaqalo kasbashada kaga hooseeyaan 12% dadka iyagu aan guranayn (Midiglayaasha), iyadoo ay meesha taalo qadarka Ilaahay ee ah in qof walba Ilaahay arsaaqo.

Daraasad laga qaaday 47,000 qof oo ku nool dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa muujisay in dadka guran aanay xagga shaqada ku fiicnayn, isla markaana aanay qaadan mushahar aad u fiican, marka loo eego dadka iyagu midiglayaasha ah amma aan guranayn.

Khubarada daraasada samaysay waxay sheegeen in ay meesha ka saartay daraasadoodu hadal hayn ahayd in dadka guran ay ka nasiib wanaagsan yihiin kuwa aan guranayn, gaar ahaan xagga shaqooyinka.

“Guranaantu waxay soo bandhigta nasiib darro xagga dhaqaala ah iyio xagga lacag helida bani’aadamka ah, dadka gurana waxa ka muuqata in aanay xirfad iyo xagga maskaxdaba ku fiicnayn.

Daraasadana waa tii ugu horraysay ee sheegta in guranaantu ay hoos u dhigto in qofku shaqo helo, lacag fiicana amma mushahar wanaagsan kasbado,” ayaa ka mid ahayd qoraalka cilmi-baadhista.
Daraasadda, ayaan caddayn sababta keenta in dadka guran aanay helin mushahar fiican ama dhaqalahoodu aad u fiicnaan, balse waxay u sababeeyeen in ay tahay xagga maskaxda iyo fahankeeda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post