X
    Categories: Qubanaha

Dadka Dalka Finland Oo Kaalinta Koowaad Ka Galay Dareenka Farxadda Dunida

Araweelo News Network

Warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay, ayaa lagu shaaciyay in Dadka Dalka Finland yihiin kuwa ugu farxadda badan adduunka, sida lagu sheegay warbixintaa oo ah mid sannadle ah, waxay Finland kaalintan koowaad ee farxadda kala wareegtay dalka Norway oo ku jiray kaalinta koobaad ee farxadda.

Warbixinta farxadda adduunka waxaa lagu jaan gooyaa sida dadka faraxsan ay dareemayaan iyo sababta ay u faraxsan yihiin.

Inta badan Dalal ku yaala Waqooyiga Yurub,  ayaa shanta kaalmood ee hore si joogto ah u gala, halka dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa Saxaraha Afrika ka hooseeya ay shanta ugu hoosaysa ka noqdaan warbixitaa sanadlaha ah.

Dalka Burundi, ayaa noqday dalka ugu farxadda yar adduunka, wxuuuna kaalintaa kala wareegay Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika. oo ku jirtay wixii hada ka horreeyay kaalinta ugu hoosaysa dunida ee farxadda.

Burundi waxa uu qalalaase galay markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhowaaqay in uu markii saddexaad isa soo sharaxayo sannadkii 2015kii, arrintaas oo dhalisay dibad baxyo ay dhigeen taageerayaasha mucaaradka oo sharci darro ku tilmaamay.

Warbixinta farxadda sannadkan ee Qarammada Midoobay waxaa sidoo kale lagu xusay farxadda dadka dalalkooda ka tagay.

Muhaajiriinta dalka Finland ku nool ayaa ah kuwa ugu farxadda badan.

Shaxdan hoose ka eeg dalalka ugu farxadda badan iyo kuwa ugu farxad liita.

Dalka Soomaaliya ayaa galay kaalinta 98, Kenya 124, Ethiopia waxay gashay kaalinta 127.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post