X
    Categories: Qubanaha

Dabaqalooca iyo Baranbaradu Waxay ka Mid Yihiin Noolayaasha Hubka iyo Sunta Nukliyeerka ka Badbaada!

Araweelo News Network

Dibqalooc

Inkastoo aanu xoogganayn dammaanad qaadka la haysta, haddana waxa la xaqiijiyey in dabaqaloocu ka mid yahay noolayaasha ka badbaada hubka sida xun wax u gumaada ee nukliyeerka. Daraasado iyo dabagal lagu sameeyey waxa la ogaaday in dabaqalooca aanay waxyeelin shucaaca ka dhasha suntan nukliyeerka ee firdha.
Dabaqaloocu kama badbaado oo kaliya UV Radition (Ultraviolet Radiation) amma falaadha cadceeda ee halista ah ee waxa uu ka badbaada suno badan oo adduunka jira, xataa waxa laga helaa meelaha qabowgu xad-dhaafka yahay oo wax kasta oo yaala ay fadhiistaan baraf aawadeed sida Antartica, taasina waa waxa u saamaxa in ay awood u yeeshaan in ay ka badbadaan wax kasta oo degaanka saamayn ku yeesha.
Saynisyahannadu waxa ay sheegaan in dabaqaloocu (Scorpions) ay yihiin qaar iska caabintoodu aad u sarrayso, degaan kasta oo ay tagaana soo daaya dhammaan waxyaabaha hormoon ahaan looga baahna, xagga dhuumashadana aad ugu sarreeya oo haddii uu iska caabin kari waayo isku difaaca inuu dhulka galo.
Geesta kale, cayayaanka baranbarada loo yaqaan waxa la xaqiijiyey in ay tahay xayaanka kaliya ee la ogaaday in ay nukliyeerka ka badbaado, gaar ahaan dalalka lagu riday qumbuladaha nukliyeerka waxa ay ahaayeen xayawaanka aan waxba noqon, sababtoo ah waxa ay iska caabisay shucaaca amma raadhiyeyshanka. Tusaale ahaan baranbaradu waxa ay awood yeelatay in ay 1,000 fiit ka badbaado hubkii lagu nukliyeerka ahaa ee lagu riday Hiroshima.
Inkastoo hubka casriga ah ee hadda la hayaa aad uga awood badan yahay kii Hiroshima lagu riday, haddana waxa daraasadu sheegeen in 10% baranbaradu ka badbaadi karto raadhiyeyshanka amma shucaaca xaddigiisu yahay 10,000 rads.
Sidoo kale, waxa lagu dara bina’aadamka in uu ka badbaado nukliyeerka, balse saamayntiisa kama hadho, waanay isku khilaafsan yihiin saynisyahannada arrintan u kuurgashay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post