X
    Categories: Qubanaha

Daanyeer Sababay dagaal Khasaare Culus Dhaliyey oo Dhexmaray Laba Qowmiyadood

Araweelo News Network

Tripoli (ANN) Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay 50 kalena way dhaawacmeen kadib dagaal culus laba qowmiyadood ku dhexmaray dalka Liibiya dhawrkii maalmood ee u dambeeyey.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo warkan uu kasoo xigtay wargeyska Jamhuuriya.

Dagaalkan oo ka dhacay magaalo ku taal Koonfurta dalka Liibiya ee Sabha waxa uu sababay dhacdo layaab leh oo dhexmartay xabbad xayawaanka Daanyeerka ah iyo hablo yaryar oo ciyaalo iskuul ah.
Dhacdadan ayaa ku bilaabatay hablo yaryar oo ciyaalo-iskuul ah oo weeraray Daanyeer uu leeyahay nin dukaan haysta oo ka soo jeeda qowmiyada Gaddadfa, kadibna daanyeerka oo iska difaacayey uu haleelay midka mid ah hablihii yaryaraa oo uu ka qaaday maradii madaxa ay ku xidhnay ama masarkii.
Haseyeeshee, deegaanka ay ka soo jeedo gabadha yar ee Daanyeerku masarkeeda ka qaaday oo magaciisa la yidhaa Awlad Suleiman, ayaa si wayn uga cadhooday falka loo gaystay inantooda, waxaanay taasi keentay in rag ka mid ah dadka ay isku deegaanka yihiin ay weerar aargoosi ah qaadaan oo ay markiiba dilaan saddex qof oo kasoo jeeda deegaanka qowmiyada Gaddadfa ah iyo Daanyeerkii laftiisii, iyadoo halkaasina uu ka dhashay dagaal culus oo socday muddo saddex maalmood ah.
“Xaaladdu way ka sii daraysay maalmihii labaad iyo saddexaad ee dagaalkan oo la isu adeegsanayey kaarayaal, hoobiyayaal iyo noocyada kale ee hubka culus.” Sidaa waxa yidhi dad ku nool magaalada dagaalku ka dhacay oo u warramay Wakaaladda Wararka Reuters.
Isku day hoggaamiyayaal ka tirsan labada deegaan ku doonayeen in la joojiyo dagaalka ama la gaadho xabbad-joojin si loo kala aasto maydka, ayaa guuldarraystay.
Kooxaha caafimaadka ee magaalada dagaalku ka socdo ee Sabha waxay sheegeen in maalintii Axaddii ay soo gaadheen 16 qof oo dhintay iyo dhaawaca oo maraya 50 kale, “Dhaawaca waxa ku jira dumar iyo carruur, waxa kaloo kuwa dhintay ka mid ah dad ajaanib ah oo ka yimi dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo ay haleeshay duqaynta aan kala sooca lahayn ee labada dhinac isku adeegsanayaan,” ayey yidhaahdeen dad ka tirsan xarumaha caafimaadku.
Labada qowmiyadood ee Gaddadfa iyo Awlad Suleiman, ayaa ah ugu awoodda badan ee dhinaca Koonfureed ee Liibiya, waxaanay si la mid ah dalka intiisa kale ku hubaysan yihiin hub culus oo ay ka dhaxleen ciidammadii dawladdii la riday ee Mucammar Gaddaafi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post