X
    Categories: Qubanaha

Cunto Saandiwiish (Sandwich) ah oo la Kala Siistay $10 Kun Doollar

Araweelo News Nerwork

Cuntada fudud ee loo yaqaan Bargarka (Burger) noocii ugu qaalisaa adduunka, ayaa lagu kala iibsaday goob xaraash ah oo lacag loogu deeqayey, taasoo la kala siistay lacag dhan $10,000 dollar.
Goobta xaraashka oo ku taal magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa lagu kala qaatay bargarkan oo ka kooban toddoba wasladood oo hilib lo’aad ah iyo cuntooyin kale oo qaali ka ah dalkaas.
Cuntan lacagta tobanka kun ee dollar ah la kala siistay waxa sameeyey Russel Impiazzi oo ah agaasimaha xarunta la yidhaa Le Gourmet oo ku taal Dubai, kana mid ah xarumaha ay leeyihiin boqortooyada Qadar ee Sheekh Mohammed Bin Abdullah Al Thani.
“Laba sannadood ka hor waxa aan adduunka u horseednay inaan qaadno rikoodhka iibinta cunto bargarka ah oo la kala siistay $ 7,000 doollar, sannadkanna waxa aan doonaynaa in aan kaalinta hore galno dhacdooyinka adduunka. Lacagta laga helo oo dhan waxa ay toos u tegi doonta wacyigelinta ka dhanka ah kansarka, gaar ahaan ka wacyigelinta nooca naasaha ku dhaca marka uu xaaladda hore taagan yahay,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Bin Abdullah Al Thani.
Xaraashkan lagu guulaystay waxa sameeyey Asma Al Fahim oo ah aasaasaha Xarunta Dubai Lifestyle Magazine Villa 88 oo Jamhuuriya soo xigtay, halka xaraashka laftiisa ay maamulaysay xarunta Pink Caravan oo u ololaysa la-dagaallanka kansarka naasaha ku dhaca.
Ms. Al Fahima waxa ay sheegtay in ay doonayso in ay taageerto in maamus-sharafeed loo sameeyo Ameera Bin Karam oo sannadkii hore gurigeeda oo dab qabsatay ku dhimatay, ahaydna Agaasimaha Xarunta Pink Caravan.
Goobtan cuntadan qaaliga ah lagu kala iibsaday, balse loogu talagalay in dhaqaale ururin loogu sameeyo ololaha wax lagaga qabanayo kansarka naasaha ku dhaca waxa lagu ururiyey lacag dhan $29,633 (sagaal iyo labaatan kun, lix boqol, saddex iyo soddon doollar).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post