X
    Categories: Qubanaha

Cilmi-baadhis Iftiimisay In Dadka Gacanta Guran Aanay Ku Wanaagsanayn Dhinaca shaqada iyo Kasbashada Dhaqaalaha

Araweelo News Network

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa tilmaamay in daraasad ay sameeyeen ka soo baxday in dadka guran (bidix-layaal) ay xagga dhaqalo kasbashada kaga hooseeyaan 12% dadka iyagu aan guranayn (Midig-layaasha), iyadoo ay meesha taalo qadarka Ilaahay ee ah in qof walba Ilaahay arsaaqo.

Daraasad laga qaaday dad tiradoodu dhan tahay 47 kun oo qof oo ku nool dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa muujisay in dadka guran aanay xagga shaqada ku fiicnayn, isla markaana aanay qaadan mushahar aad u fiican, marka loo eego dadka iyagu midig-layaasha ah ama aan guranayn.

Khubarada daraasadda samaysay waxay sheegeen in ay meesha ka saartay daraasadoodu hadal hayn ahayd in dadka guran ay ka nasiib wanaagsan yihiin kuwa aan guranayn, gaar ahaan xagga shaqooyinka iyo fursadaha dhaqaale samaynta.

“Guranaantu waxay soo bandhigtaa nasiib-darro xagga dhaqaalaha ah iyo xagga lacag helida bani’aadamka ah, dadka guranna waxa ka muuqata in aanay xirfad iyo xagga maskaxdaba ku fiicnayn.

Daraasadana waa tii ugu horraysay ee sheegta in guranaantu ay hoos u dhigto in qofku shaqo helo, lacag fiicana amma mushahar wanaagsan kasbado,” ayaa lagu yidhi cilmi-baadhista la soo saaray.
Dhinaca kale, khubarada daraasaddan sameeyey ma caddayn sababta keenta in dadka guran aanay mushahar fiican helin ama aannu dhaqaalahoodu aad u fiicnaan, balse waxay u sababeeyeen in ay tahay xagga maskaxda iyo fahankeeda. Sidaa awgeed maaha mid la qaadan karo, sababtoo ah waxa Jira dad caan ah oo guaran oo horumar ka gaadhay dhaqaalaha Iyo shaqooyinka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post