X
    Categories: Qubanaha

Cilmi-baadhis Iftiimay Cidda ay Dalalka Carabtu Jeclaayeen inay Madaxweyne ka Noqoto Maraykanka

Araweelo News Network

Codayn ra’yi-ururin ah oo ay samaysay Xarunta Darasaadka iyo Barashada Siyaasadda (Arab Center For Research and Policy Studies) oo ku taal magaalada Washington iyo sagaal dal oo Carabeed, ayaa lagu ogaaday in 68% dadka Sucuudigu doonayeen in Hillary Clinton ku guulaysato doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday Maraykanka maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 8 Noveber 2016, halka 46% kale u haystaan in ninka la doortay ee Donald Trump yahay qof aad u liita.
Sagaalka dal ee laga sameeyey daraasaddan waxa ay kala yihiin; Aljeeriya, Masar, Ciraaq, Kuwayt, Morooko, Urdun, Falastiin (gaar ahaan daanta galbeed iyo Marinka Qasa), Sacuudiga iyo Tuuniisiya, kuwaasoo dal kasta laga qaatay 400 u taagan bulshada (sample) inteeda kale, lagana ururiyey ray qaadistaas.
Waxa dadkan la waydiiyey murrashaxa saamayn ku yeelan doona siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Gobolka Carabta, waxaanay 65% Sucuudigu sheegeen in jecel yihiin in Clinton ku guulaysato doorashada, isla markaana kasban karto Carabta.
Ra’yi-ururintan Carabta laga qaaday waxa ay door bideen, la jeclaayeen in Clinton guulaysato 66%, halka 11% door bideen Donald Trump (Madaxweynaha cusub ee Maraykanka) inuu guul ka gaadho doorashada. Dalalka tirada ugu badan ka taageereen in Clinton guulasato waxa ay kala yihiin Morooko iyo Tuunisiya, halka kuwa ugu badan ee Clinton ka soo horjeedayna yihiin Falastiin iyo Ciraaq. Sidoo kale, dalalka dadkooda inta ugu badan taageereen guusha Donald Trump waxay ahaayeen Ciraaq iyo Masar.
Waxa la waydiiyey dadka xog-ururinta laga qaaday waxyaabaha ay jecelyihiin in Madaxweynaha la doortay ee Maraykanku ay tahay inuu ka qabto dalalka Carabta, waxaanay u jawaabeen badankoodu in aannu faraha la soo gelin arrimaha Carabta iyo inuu dagaal adag la galo ISIS, xalliyo khilafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo mashakilaadka Suuriya iyo Yemen ka socda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post