X
    Categories: Qubanaha

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Idaacad Muddo Laga Radinayay Hargeysa Oo Sirdoonku Ku Xiiqeen

Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay idaacad ay ku tilmaameen sharci darro oo FM ah, taas oo muddooyinkan dambe laga dhegaysan jiray Hargeysa iyo nawaaxigeeda, balse baadi-doonkeeda ay ku xiiqeen Sirdoonka Somaliland.

Idaacaddaa oo lamagac baxday Baadi-goob radio, isla markaana ahayd FM, waxa Caawa lagu qabtay Xaafadda Octoobar ee dhinaca Koonfurta Hargeysa. Sidaana waxa daboolka ka qaaday Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo caawa u waramayay shabakadda wararka ee Gudgudenews.com, ayaa sheegay in ciidanka booliska Somaliland ay u suurto-gashay inay qabtaan idaacad uu ku tilmaamay inay sharci darro ahayd iyo afar qof oo ka mid ah hawl-wadeenadii idaacadaasi oo lagu qabtay iyagoo ku dhex jira baahintii.

“Waxa caawa abaaro sagaalkii iyo dheeraad ciidanka Booliska Somaliland u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan idaacadii sharci darrada ahayd ee beryahan dambe ka hadli jirtay Magaaladda Hargeysa,waxaana idaacadaasi lagu qabtay xaafadda October ee caasimadda Hargeysa,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal, wuxuuna xusay in ay Boolisku qabteen Afar qof oo ah hawlwadeenadii ka shaqaynayay, kuwaas oo xiliga la qabtay ku guda jiray bahinta wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacaddaa.

Sidoo kale Taliye Fadal, wuxuu sheegay in ay qabteen qalabkii oo dhamaystiran oo ay ku jiraan Laptopyo, isla markaana Hay’addaha sharciga loo gudbin doono.

Taliyaha Boolisku waxa uu ugu baaqay shacbiga inay la shaqeeyaan ciidanka booliska isla markaana ay wixii dalka nabad-gelyadiisa iyo sumcadiisa wax u dhimaya ay la soo socod siiyaan ciidamadda ammaanka.

Sida lagu sheegay shebekada Gudgudenews.com oo soo xiganaysay qof dhegaysanayay idaacaddaa oo la magac-baxday Baadi-goob FM Markii la qabtay, wuxuu yidhi, “Idaacadda oo aan mobile-kayga aan ka dhegaysanayay waxay ku gudo jirtay warkii ay sii dayn jirtay, waxaanay maraysay qoddob ku saabsan Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dalkiisa, ka dibna waxaanu maqalay buuq , waxaanay hawada ka baxday isla daqiiqadiiba.” ayuu yidhi Dhegeystahaa oo la hadlay Gudgudenews.com

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post