X
    Categories: Qubanaha

China: Tuulo yar oo ku taalla oo 160 furriin ay halmar ka dheceen

Araweelo News Network

In ka badan 160 lamaane oo ku nool tuulo ku taalla bariga Shiinaha ayaa go’aansaday inay kala tagaan si ay magdhow badan u helaan.
Qoysaskaas ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka guuraan.
Tuulada Jiangbei, waxaa loo gartay inay tahay meel ku wanaagsan farsamada hormarinta casriga ah.
Sababta furriinka ayaa ah in marka ay shaqsi ahaan u dalbadaan magdhow inay helayaan laba guri iyo $19,000 oo dollar.

Qaar ka mid ah kuwa isfuray waxay da’dooda ka weyn tahay 80 sano, qaar kalena waxay doonayeen inay dib isugu noqdaan marka magdhowga la siiyo.
Qoysaska oo boqollaalka sano halkaasi ku noollaa waxay ku qasban yihiin inay tuullada ka guuraan una wareegaan guryo ay dowladda u diyaarisay.
Haddii ayagoo isqaba ay doontaaan magdhowga waxay helayaan hal guri oo keli ah.
Balse, qoysaska markii ay aqriyeen qaabka lacagta iyo guryaha loo helayo waxay moodeen in haddii ay isku furaan maxkamadda horteeda ay sidoo kale helidoonaan guri labaad iyo lacag.
Shirkad arrimaha sharciga ka shqeyso ayaa qoysaska ka caawineyso inay kala tagaan waxayna ka qaadeysaa $2,000 oo dollar qoyskastaa, sida uu qoray wargeyska China Daily.
Lamaanayaasha qaar waxaa la filayaa inay muddo ka dib isku noqdaan.
“Qofkaste ayaa sidan sameynayo, waxaan doonaynaa inaan arrinta kale ka faa’idno”, ayuu yiri mid ka mid ah dadka Tuulada ku nool oo la hadlay wargeyska Nanjing Morning Post.
Weli macadda in qaar ka mid ah qoysaska kale tagay ay heleen magdhowga dheeraadka ah ee ay raadinayaan.
Saraakiisha gobolka ayaa sheegay inay ka warhayaan xaaladda, aysanna weli ka warhayn in ay wax ka badali doonaan hanaanka magdhowga loo bixiyo.
Arrintan oo kale ayaa horey uga dhacday gobolka Nanjing ee Shiinaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post