X
    Categories: Qubanaha

Cajiib: Haweenay Dareenka Cabsidu ka Maqan Yahay

Washington(ANN)Haweenay u dhalatya dalka Maraykanka oo 44 jir ah, ayaa dhammaan dareemaha cabsidu ka maqan yihiin, iyadoo xataa haddii si kasta looga bajiyo aan wax baqdin ah dareemin.
Gabadhan ayaa uu la soo darisay xannuun dunnida nadir ku ah oo ku keenay inuu dhammaan cabsida oo dhan ka qaado, waxaanay dhakhaatiirtu u yaqanaan cudurka ku dhacay SM.
44 jirkan xannuunku ka qaaday baqdina waxa lagu tijaabiyey in lagu fiiqo qori iyo mindi, kadibna xaaladeeda la eegay, xataa umay yeedhin ciidan markii la soo weeraray, cabsina may dareemin.
Sidoo kale, xataa mararka qaar sidii loo garacayey oo uu saygeedu u garacaayey waxa ay gaadhay xaalad khatar ah oo geeri ku dhaw, balse haddana wax cabsi ah may dareemin.
Mararka qaar si loo tijaabiyo waxa weji a weji loogu diray mas sun daadinaaya, balse wax dareen cabsi ah may muujin, iyadoo xataa mararka qaar la saaray oo aan cabsi ka muuqan wejigeeda.
Dhakhaatiir badan oo muddo toban sanno ka badan baadhaysay xannuunka hayey, ayaa sidan oo kale aan waligood u baadhin, balse koox ka socotay Jaamacadad Lowa oo dhinaca neerfisiyada ku tacaluqday ayaa diiday in la faafiyo gabadhan arrinkeeda, haddii kale xaaladeeda laga faa’iidaysan karo.
Dr. Daniel Tranel oo Jaamacadda Lowa ka socday, ayaa warraysi gabadhan ka qaaday, isagoo warbaahintana ka codsaday in aan muuqaalkeeda la muujin, waxaanay u sheegtay in yaraanteedii xaaladan ay dareentay, waligeedna aanay xayawaan iyo bani’aadam toona ka cabsan.
“Waxaan xasuusta waqti waqtiyada ka mid ah in nin ijiiday, kadibna uu mindi cunaha igaga qabtay, kadibna uu ii sheegay inuu i gawracayo, waxaanan ku idhi soco oo i gawrac, waan soo noqon doona, kadibna waan kaa aargoosan, kadib wuu i sii daayey, waxaaan ku soo noqday guriga, ciidana umaan yeedhin, xataa khatar badan umaan arkayn,” ayey tidhi haweenaydan.
Saynisyahannada ayaa hadda raadinaaya cudurkan SM ay ugu yeedheen inuu dadka ka caawin karo in ay iloobaan dhibaatooyinka ay soo mareen ee ku reeba ma-hadhada iyo uur-ku-taalada, sida askarta dagaalada ku soo waasha.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post