X
    Categories: Qubanaha

Cabsi Xoogan oo Wehel u Noqotay Askar Talyaani ah oo Toogasho ku Dilay Nin Weerar ku Qaaday Jarmalka

Araweelo News Network

Roma (ANN)- Cabsi xoogan ayaa la soo deristay askari ka tirsan ciidanka booliska dalka Talyaaniga, kadib markii uu toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Tuuniisiya oo la odhan jiray Anis Amri, kaasoo baabuur jiidhsiiyey suuq ku yaal magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka, kuna dhinteen 12 qof, ilaa 50 ruux oo kalena ku dhaawacmeen taariikhdu markay ahayd 19 December 2016.
Masuuliyiinta ammaanka ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in askariga toogtay ninka loogu raadinta badnaa qaaradda Yurub (most wanted man) uu halis ugu jiro in laga dhigto bar-tilmaameed dagaalyahannada ISIS ugu aargudayaan dilka ninkii weerarka ku qaaday suuqa magaalada Berlin, waxayna saraakiishu tilmaameen inuu dhuumasho ku jiro askariga magaalada Milano ee Talyaaniga ku toogtay ninka la raadinayey.
“Ninka la raadinayey ee la toogtay waxa uu ahaa nin ka soo jeeda waqooyiga Afrika (dalka Tuuniisiya), iyadoo ay dad badan oo degaankaas ka soo jeedaa ay joogaan magaalada Milano, askartataduna waxay ku jireen roondo caadi ah oo dadka ay baadhis ku samaynayeen, waxaanna dhacday in laba askari oo da’yar ah ay joojiyeen baabuurka uu la socday Anis Amri, run ahaantiina may garanayn inuu yahay nin halis ah oo la raadinayo, wax figrad ahna isaga kamay haysan, haddii ay ogaan lahaayeena si fiican ayey ugu diyaargaroobi lahaayeen.” Sidaa waxa yidhi madaxa booliska magaalada Milano Mr. Antonio De Jesu oo la hadlay saxaafadda.
Waxa kaloo uu sheegay in markii labada askari ay joojiyeen baabuurka, isla markaana ay weydiiyeen aqoonsigiisa uu Anis Amri la soo baxay baastoolad, isagoo halkaas ku dhaawacay askari la yidhaah Christian Movio, oo 35 sanno jira, waxaanna markii dambe ninkaas la raadinayey toogtay askari kale oo magaciisu yahay Luca Scata oo 29 sanno jir ah.
Hasa yeeshee, askariga dhallinyarada ah ee la yidhaah Luca Scata, waxa la soo dersitay cabsi xoogan oo laga qabo in taageerayaasha ISIS ku qaadaan weerar ay ugu aarayaan dilkii Anis Amri, waxaannu hadda ninkaas askariga ah galay dhuumasho dheer oo feejignaan badan leh.
Waxa kaloo ciidanka booliska Talyaanigu sheegeen in hay’adaha ammaanka uu xil ka saaran yahay ilaalinta amniga askariga dilay ninkii weerarka ka gaystay dalka Jarmalka, iyadoo sidoo kale masuuliyiinta sare ee dawladda lagu dhaliilay inay shaaciyaan xogta iyo magacyada labada askari ee joojiyey baabuurka uu watay ninka la raadinayey.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post