X
    Categories: Qubanaha

Caagadaha Biyaha Oo La Oggaaday In Laga Dhisan Karo Dhismayaal Casri ah

Araweelo News Network


Shirkad ku taal bariga gobolka koonfureed ee Gauteng ee dalka Koonfur Afrika iyo wiil aad u da’ yar, ayaa ku guulaystay hannaan caagadaha qashinka ee biyaha laga cabbo looga dhigan karo qalab dhismeed amma lagu dhisi karo fasallo waxbarasho oo aad u qurux badan.
Barnaamijkan oo shirkaddu u bixisay ‘Cagaadaha wax lagu dhisto” (Bottles2Build), ayaa dugsi aad u qurux badan ka samaysay caagado kuwa biyaha iyo sharaabka laga cabbo ah oo ay isu ururisay.
“Waxa aad u wanaagsan bilawga la bilaabo, maaha oo kaliya in caagadaha la ururiyo, waayo caagaduhu degaanka uma fiicna, balse waxa ay leeyihiin faa’iidooyin kale loo adeegsan karo. Dhammaantood haddii al isu ururiyo waxa laga dhigan karaa qalab dhisme oo guryo iyo fasallo waxbarasho waa laga dhisi karaa.” Sidaa waxa yidhi Mareeyaha Mashruuca Bottle2Build’s Brand Mr. Kavin Petit too.
Waxa barnaamijkan shirkaddu bilawday shann sanno ka hor, iyadoo uga dan lahayd in ay ogaato habab looga faa’iidaysan karo malaayiiin caagado ah oo ay ururisay, dalkeedana looga hirgelin lahaa mashruuc waxtar u noqda.
Wejigii ugu horreeyey ee guulaystan waxay shirkaddu ku fulisay in ay caagadahaas ka dhisto 45 fasal waxbarasho oo Gauteng ku yaal. Ilaa haddana dunidu si fiican uma ogaan hawsha shirkaddan, maxaa yeelay waxa adkaatay in dadka laga dhaadhiciyo in caagadaha qashinka ah dib looga faa’iidaysan karo.
Dhinaca kale, wiil 18 jir ah oo la yidhaa Shane Bassinuu, ayaa arkay qof caagado biyo ku jiraan ka iibinaya dad ku sugan magaalada Johannesburg horraantii sannadkii dhammaaday ee 2016, kadibna wuxuu ka fikiray inuu ganacsi sidaas oo kale ah dugsigiisa ka bilaabo.
Mr. Bassin waxa uu u tegay urur iyo dugsigiisa oo lagu magacaabo King David oo ku yaal waqooyiga bari ee Johannesburg, waxaannu shirkadda Bottle2Build oggolaysiiyey in ay biyaha dugsigiisa ka iibiso.
“Ujeeddadu waxay ahayd in caagadahan aan ka faa’iidaysanno oo aan ku dhisanno fasallo, fikraddiina way jeclaysteen,” ayuu yidhi Bassin oo fikirkan ka soo bilaabmay, waxaanay ardayda oo caawimo ka heshay shirkadda Bottle2Builds ku guulaysteen inay fasallo ka dhisaan dugsi sare oo la yidhaa Sediba Thuto Higher Primary oo ka dhisan degaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika.
“Waxa aan wali ururinaa caagadaha fiid iyo galab kasta. Biyaha waxaan ka iibinayaa dugsiga goobaha lagu ciyaaro, maalintii iyo meelaha ay ka jiraan ciyaaruhu. Meel kasta waxa jira xaflad, waanuna ka iibinnaa,” ayuu yidhi Bassin oo sidoo kalena doonaya inuu noqdo u dhaqdhaqaaqe xuquuqal-insaanka ah.
Ugu yaraan 90,000 caagadod ayaa fasalka kaliya lagu dhisa, waxana aad la isugu dhaweeya cagadaha si ay u noqdaan gidaar, marka la buuxiyo daldaloolada , dhinac kasta waa loo cabbiraa, waana la adkeeyaa si aanay biyuhu u soo geli karin, waxana la ogaaday in gidaarka ay ka qurux iyo tayo badan yihiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post