X
    Categories: Qubanaha

Bilyineerrada Adduunka oo Rubuc ka Mid ah Lacagtooda Kaash ahaan ku Haysta

Araweelo News Network

Dadka bilyaneerrada ah ee adduunka, ayaa la ogaaday inay kaash ahaan u haystaan rubuc ka mid ah hantidooda oo u dhiganta 1.7 tiriliyan (trillion), arrintaas oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah dhaqaalaha caalamka.
Sida lagu sheegay warbixin uu diyaariyey telefishanka CNBC oo Jamhuuriya soo xigtay, in ka badan 2,473 (laba kun, afar boqol, saddex iyo toddobaatan) qof ee dunida ugu hantida badan amma bilyaneerrada caalamka, ayaa kaash ahaan u qarsadda hantidooda 22.2% ka mid ah.
Dhinaca kale, daraasad xog-ururin ah oo ay soo saartay xarunta Wealth X oo diyaarisa daraasadaha khuseeya arrimaha dhaqaalaha, lacagaha kala wareega iyo saamiyada ay ka faa’iidaan hantiilayaasha adduunku, balse wali waxay haystaan hanti u gaar ah oo ay kaash ahaan u qarsadaan oo la mid ah koboca dhaqaale (GDP) ee dalka Brazil.
Warbixinta Wealth-X ka waxa lagu sheegay in bilyaneerradu ay ka cabsadaan in mar keli ah waxyeelo gaadho dhaqalahooda, waana sababta ay kaashkaas u jecel yihiin in ay naftooda ku ilaaliyaan.
Sannadkii hore waxa la ogaaday in bilyaneerradu kaash ahaan ku kaydsadeen hantidoda 5.4% ka mid h oo u dhiganta $7.7 Tiriliyan, taasoo ka badan koboca dhaqaale ee dal kasta oo adduunka ah marka laga reebo Maraykanka iyo Shiinaha. Inkastoo Yurub haysato maalqabeennada adduunka ugu badan, waxa Eeshiya ku nool 806 bilyaneer, taaso bilyaneerada Eeshiya ku dhaqan kordhayeen 15% waqtiyadii u dambeeyey. Woqooyiga Maraykanka waxa ku dhaqan 628 bilyaneer, waxaanay kor u kaceen 3% bilyaneerradeedu.
“Maaliyadda ay ku jiraan, maalgashiyada gaarka ah, bangiyada, maalgashiyada warshadaha, waa waxyaabaha ugu badan ee tujaarta soo saara 15%, laakiin wadaaga warshaduhu aad bay u yaraanayaan, waxaanay hoos u dhaceen 4% marka loo eego siday ahaan jireen, halka bilayneerada hantidooda maaliyadeed ay soo yaraanayso 6.6% oo la mid ah $1.2 tiriliyan in ay yaraanayso,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu baahiyey CNBC.
In ka badan kala badh bilyaneerrada ku nool caalamku waa qaar iskood u shaqaysta, sida ay sheegtay warbixinta xarunta Wealth X.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post