X
    Categories: Qubanaha

Bilyaneerrada ugu Da’da Yar Adduunka iyo Halka ay Hantida ka Heleen

Qaybtii 4aad

Araweelo News Network

Ninka magaciisa yahay Evan Sharp 32 jir ah oo Jaamacadda Chicago ka bartay taariikhda, waa khabiir dhinaca nashqadaynta iyo tayada dhismaha (architecture) ka bartay Jaamacadda Columbia. Sidoo kale, waa nashqadeeyaha Facebook, ka hor inta aan la soo saarin waxa uu dejiyey nashqada iyo habka uu u eekaanaayo Facebook (Pinboard Pinterest).

Hadda waxa uu hoggaamiya koox hal-abuur leh oo ka tirsan Pinterest, waxaannu wargeyska Forbes ku qiimeeyey hantidiisu in ay dhan tahay $1.1 bilyan.

Dustin Moskovitz

30 jirkan magaciisu yahay Dustin Moskovitz, oo ka mid ah da’yarta adduunka ugu lacagta badan, waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aasaastay shirkadda Facebook, waxaanay saaxiib aad u dhaw oo qol wada seexda ahaayeen Mark Zuckerberg oo ay wada dhigan jireen Jaamacadda Harvard, balse waxa uu ka baxay Jaamacadda muddo laba sannadood ah markii uu dhiganayey, isagoo ku biiray hawlgalkii Zuckerberg ula baxay Palo Alto ee uu ku samaynayey Facebook.

Wargeyska Forbes waxa uu wiilkan yar hantidiisa ku qiyaasay $7.9 bilyan oo u xaasil ah oo uu ka helay dedaalkiisa iyo khibradaha kala duwan… la soco….

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post