X
    Categories: Qubanaha

Bilyaneer Caan ah oo Sheegay inuu Digaag ugu Deeqayo Saboolka ku Nool Afrika

Araweelo News Network

Ninka adduunka ugu hantida badan ee la yidhaa Bill Gates, isla markaana ah mulkiilaha barnaamijyada kumbuyuutarradu ku shaqeeyaan (Microsoft), ayaa sheegay inuu digaag ugu deeqao dadka saboolka ah ee ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha qaaradda Afrika (Sub-saharan).
Maalqabeenkan u dhashay dalka Maraykanka, waxa uu ballanqaaday inuu 100,000 (boqol kun) oo digaag ah oo laga tallaalay cudurrada ku dhaca shimbiradaha ugu deeqi doono saboolka Afrika, isagoo xusay in hawlgalkiisu ka mid yahay mashruuc uu kor ugu qaadayo ka-ganacsiga digaaga iyo maalgelinta nafaqada laga helo shimbiradaha (digaaga).
“Haddii aan ku noolaan lahaa saboolnimo waxa aan dhaqan lahaa digaag,” ayuu yidhi aasaasha shirkadda Microsoft oo farriin qoraal ah ku faafiyey Twitter-kiisa maalintii Khamiista ee toddobaadkan.
Hantiilahan inta badan qaaradda Afrika maalgashiga ku samaysta, deeqaha lacageedna gaadhsiiya waxa uu sheegay in haddii qof dhaqdo shan digaagadood uu helayo $1,000 sannadkiid, taasoo uu kor uga kacayo khadka saboolnimada xad-dhaafka ah oo qofku galo haddii uu sannadkii helo $700, waxaannu tilmaamay inuu doonayo sidii dadka baadiyaha degen 30% u dhaqan lahaayeen digaaga, halka waqtigan 5% ay ka dhaqdaan dalalka Afrika.
Haweenayda uu qabo ninkan taajirka ah oo la maamusha hay’adaha deeqaha ee Bill & Melinda Gates Foundation, ayaa sheegtay in dhaqashada digaagu ay kor u qaadayso dhaqaalaha haweenka, iyadoo ku sababaysay in ay ka yaqaanaan xannaanaynta noolaha.
Dad badan oo mashruucan dhaleeceeyey ayaa sheegay in aany waxba ka tarayn saboolnimada Afrika ka jirta, halka uu Gates ku adkaystay in uu aaminsan yahay in mashruucan saamayn yeelan doono.
Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation waa mid ka mid ah hay’adaha deeqaha bixiya ee adduunka ugu ballaadhan, waxaanay inta badan maalgelin ku samaysa Afrika oo ay ka caawiso dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, xuquuqda haweenka iyo la-tacaalidda saboolnimada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post