#Araweelo_News_Network.

 

Las Vegas , USA (ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaqiisa ahaa  in Congresska uu mamnuuco qoryaha darandooriga u dhaca, oo uu ku jiro kii  loo adeegsaday isku daygii dil ee fashilmay ee  lala beegsaday Donald Trump oo ah Madaxweynihii hore, isla markaana xilligan u taagan taratnka doorashada Madaxtinimada ee November.

Isku dayga toogashada lala doonayay Trump, ayaa qabsaday dhegaha, iyadoo rasaasta  Trump qabsatay kaddib markii nin hubaysan uu kasoo toogtay saqafka sare ee meel u dhow xili uu ololaha doorashada ku lahaa gobolka Pennsylvania Sabtidii lasoo dhaafay.

Laxidhiidha: TRUMP Oo La toogtay intii Lagu Guda jiray banaanbaxa Lagu Taageerayo

AR-15 ayaa loo adeegsaday toogashada Donald Trump. Kani wuxuu ahaa hubkii weerarka  lagu qaaday qoriga (Rifle), kaas oo lagu dilay dad badan oo ay ku jiraan caruur. Waa waqtigii la mamnuuci lahaa iyaga, “ayuu Mr Biden u sheegay dhagaystayaasha shirwaynaha Las Vegas ee Xisbigiisa Dimuqraadiga..

Hadalka Biden, ayaa yimid markii uu dib ugu soo laabtay fagaarayaasha ololaha markii ugu horaysay tan iyo weerarka.

Ku dhowaad dhowr maalmood ka dib toogashada, ololaha Biden ayaa hakad ku jiray. Weerarada afka ah waa la hakiyay, xayaysiisyada telefishinada ayaa la jiiday waxaana fariinta midnimada dabada ka riixayay dad badan oo caan ah oo Dimuqraadi ah.

Isagoo ka hadlaya Salaadadii Las Vegas , Mr Biden wuxuu sii waday dareenkiisa, isagoo ka cabanaya sida ay siyaasaddu “kulushahay” u noqotay.

Hase yeeshee Mr. Biden, ayaa khudbadiisa uu u jeedinayay Ururka Qaranka ee Horumarinta Dadka Midabaysan (NAACP), oo ah koox caan ah oo xuquuqda madaniga ah – wuxuu sii waday inuu dhaleeceeyo Trump.

“Siyaasaddeenu aad bay u kala qaybsan tahay macnaheedu maaha inaan joojino runta. Yaad tahay, waxaad samaysay, maxaad samayn doontaa – taasi waa ciyaar cadaalad ah, “ayuu yidhi.

“Aan mar kale idhaahdo sababtoo ah Trump been buu ka sheegayaa,” ayuu ka sheegay hoolka shirarka ee codbixiyayaasha madowga ah.

 

“Shaqo la’aanta dadka madow waxay gaadhay heerkii ugu hooseeyay ee maamulka Biden iyo Harris,” madaxweynaha ayaa ku daray. Tirakoobyada ayaa muujinaya in dowladdiisu ay gaadhtay heerkii ugu hooseeyay heerka shaqo la’aanta ee madowga ama Afrikan American, taas noqonay qiyaasta la sameeyay 4.8%. sannadkii hore 2023.

Madaxweyne Biden, ayaa ka hadlay Xuquuqda hubka, isagoo ka dhawaajiyay inuu si joogta ah ugu ololaynayo arrintaa.

Marka dib loo eego arrintan 1994-tii, waxa lagu xusay taariikhda inuu  kaalin weyn ka qaatay in la meel mariyo mamnuucida hubka weerarka ah,  laakiin xilligan wuxuu isagoo ka duulaya dhacdadii ugu danbaysay ee Trump iyo dhibaatooyin kale 2004. Waxa uu tixraacay sharcigaa, isagoo yidhi, Biden, “Hore ayaan u sameeyay, mar kale ayaan samayn doonaa”.

Sannadkii 2022, intii lagu jiray xilligiisii ​​ugu horreeyay ee madaxweyne, Mr Biden waxa uu saxeexay sharciga ugu muhiimsan ee badbaadada hubka in ka badan labaatan sano, kaas oo ay ku jiraan hubinta taariikhda hore ee iibsadayaasha hubka iyo ilaalinta kale.

Laakin waxa uu si isdaba joog ah uga soo horjeestay mucaaradad xooggan oo kaga timi dhanka Jamhuuriga oo mar walba si xooggan u diidanaa mamnuucidda hubka weerarka.

Dhinaca kale, Donald Trump oo hore  u sheegay inuu daaha ka qaadi doono dhammaan sharciyada cusub ee Mr Biden haddii la doorto November 2024, ayaa muujiyay sida aannu  mowqifka waxba uga beddelin xitaa wixii ka danbeeyay isku daygii Sabtidii ee naftiisa.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com