X

Berlin: Hoggaamiyaha Jarmalka Oo Lagu Fooryay Meel Fagaare Ah

Hoggaamiuyaha Dalka Jarmalka Chancellor Olaf Scholz, oo isku deyay inuu khudbadeeyo isagoo qaylinaya, markii ay shacbigu dhegsan waayeen, 4 Jun 2023, Image Araweelo News Network, fagaare Berlin ah.

Waxay u diideen fursad ay ku oggolaadaan inuu jeediyo khudbadiisa

#Araweelo_News_Network.

 

Berlin(ANN)-Hoggaamiuyaha Dalka Jarmalka Chancellor Olaf Scholz, ayaa lagu fooryay meel fagaare ah xilli uu doonayay inuu khudbad ka jeediyo fagaare.

Dadweyne kusoo ururay goobta uu doonayay inuu ka hadlo, ayaa diiday inay dhegaystaan khudbadiisa, kuwaas oo durbadiiba ku biilabay foori iyo qaylo, waxayna si weyn uga soo horjeedaan dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine: Burburinta Ruushka Ee Duqaynta Saldhiga Dhulka Hoostiisa Ee NATO Iyo Difaaca Gantaalaha Ee Reer Galbeedka

Dalka Jarmalka, ayaa si weyn uga soo horjeeda taageerada Millateri ee Jarmalku u fidiyay Ukraine iyo gebei ahaanba in ay dhexgalaan dagaalka, iyagoo ku baaqaya “waxaan doonaynaa nabbad”, waxaa tahay dagaal oogge” iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen waxaan rabnaa nolol iyo nabad”

Muuqaal warbaahinta Jarmalku soo gudbisay, ayaa la arkayay Chancellor Olaf Scholz oo si cadho ah u qaylinaya, kaddib markii uu galay is difaac iyo eeddaymo uu dhinaca Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka u tuuray, wallow aan cidna ka dhegaysan.

Dadka goobta ku sugnaa may siin wax fursad ah oo u oggolaanaya inay dhegaystaan, taas oo sii kordhisay cadhiisa, wuxuuna isku deyay inuu hadalkiisa u beddelo qaylo, iyadoo dadka goobta joogayna qaylo, foori iyo sawaxan ku qaabilayeen, kuwaas oo aan mar keliya u muujin inay dheggaha u raariciyaan.

Dadka ku fooryaya Hoggaamiyaha Jarmalka 4 Jun 2023, Berlin, Araweelo News Network.

Scholz ayaa ku sugnaa goob ay isugu yimaadeen xisbigiisa oo ku dhow magaalada Berlin markii ay dadka mudaharaadayaasha ah carqaladeeyeen khudbadiisa, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin ‘Nabad la’aan hub la’aan, waxayna ku tilmaameen inuu yahay dagaal-oogge.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Chancellor Olaf Scholz, ayaa muddo ka caga-jidaysay inay taageero Millateri siiso Ukraine, balse ugu danbayntii waxay u dirtay Taangiyo iyo hub qalab Millateri iyo khuburo, taas oo dadweynaha Jarmalka ka cadhaysiisay, isla markaana lumisay kalsoonida xukuumadda Olaf oo hoos u socota, sida ay muujinayaan rayi ururinta la sameeyay maalmihii u danbeeyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post