Araweelo News Network
Buugga uu qoray ninka u dhashay Israa’iil, wuxuu inta badan isku waydiiyey su’aalo badan oo ah waxa kellifay qorista buugga ku saabsan qisada basaaska u dhashay dalka Masar ee la yidhaa Marwan.
Waxa kale oo uu eegay sababta hay’adda sirdoonka Yuhuudda ee MOSAD u aammintay basaaskan reer Masar, haddana loo siinayey $50,000 ilaa $100,000 doollar waqti kasta oo uu macluumaadkiisa keeno bishiiba hal amma laba jeer, taasoo ay la socdeen hadiyado iyo alaabooyin kale oo qaali ah.
Waxa jawaabtu noqotay in ninkii Marwan xogta siinayey uu rabay inuu macluumaad baaxad leh helo, maadaama waqtigu ku adkaa Israa’iil, cabsi badanna ka haysatay in Masar iyo Suuriya dhulka la simaan, taasina waxay keentay in 24 saacadood ka hor intii aan la weerarin ay heleen macluumaad? Waxa su’aashu noqotay sababma ayuu Marwan uu dhawr maalmood amma toddobaad ka hor macluumaadka uu hayey u soo gudbin waayey?
Waxa uu qoraaga buuggan ku dooday in Marwan uu weerarkaas la qorshaynayey uu si degdeg ah oo lama filaan ah ku ogaaday qorshaha, gaar ahaan looga soo sheegay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kadibna uu basaaska Marwan si degdeg ah ula hadlay masuulkii Mossad u xilsaartay kiiskiisa si uu macluumaadka dagaalka u siiyo. Waxa uu qoraagu halkaas shaki ku geliyey in Marwan uu daacad u ahaa hay’adda sirdoonka ee Mossad, sababtoo ah waxa uu aaminsanaa in Masar laf ahaanteedana uu aaminsanaa, taasina ay sabab u ahayd inuu waqti dambe ogaysiiyo in weerar ku soo fool leeyahay Israa’iil.
Waxa kale oo uu qoraagu ku dooday in sirdoonka Masaaridu aanay aad u jeclayn in ay xog muhiim ah siiyaan qof Marwan oo kale ahaa oo aad ugu dhawaa maamulka, sababtoo ah Marwaan waxa uu ahaa wiil uu sodog u ahaa Madaxweynihii Masar ee Jamal Cabdil Nasir, iyagoo ka cabsi qabay inuu noqon karo basaas laba dal ka dhexeeya ah, tuhunno badanna ka haystay inuu xogo gudbiyo.
Sirdoonka Masar waxa inta badan ku adag inuu basaas kale oo dal kale xog u gudbiyaa ka dhex shaqeeyo, maxaa yeelay waa kuwo inta badan kala shaki qaba, lamana mid aha sirdoonka reer galbeedka oo ay ku badan yihiin basaasiinta laba waddan ka dhexeeya ah (double agent).
Dawladda Israa’iil waxay mar walba ogayd oo aanay ka shakisanayn in weerar ku soo fool leeyahay, laakiin war uma ay ahayn waqtiga. Sirdoonka Israa’iil waxa kale oo ay ka war hayeen in Masar aanay awood millateri u lahayn inay dagaal baaxad leh qaaddo si ay ula soo noqoto dhulka Siinay. Ciidammadii Ansawr Sadar ee Suuriya sida uu Marwan gudbiyey waxay aad u jeclaayeen inay Masar caawiyaan, iyagoo laf ahaantoodu aad u daciif u ahaa oon awood badan lahayn.
Waxa uu Marwaan gudbiyey xogta millateri ee ciidammada is baahaysiga ah, qorshahooda iyo dagaal geliyayaashoodu cidda ay yihiin, balse Madaxii sirdoonka millateriga Israa’iil ee waqtigaas Chief Major-General Eli Zeira ayaa ka shakiyey Marwan xog sireedkiisa, isagoo isku qanciyey inuu awoodda millaterigiisa ku filan tahay, laakiin Agaasimaha Hay’adda Mukhabaraadka Israa’iil ee Mossad Mr. Zvi Zamir ayaa aad ugu kalsoonaa xogta Marwan, maadaama uu xogo hore oo guul u keenayba ka hayey. Waxa qasab noqotay in xogtaas la qaato, lana dabbaqo, taasoo keentay in guushu raacdo Israa’iil.
Basaaska la odhan jiray Ashraf Marwan waxa uu ahaa basaas aad u da’yar oo dhallinyaro ahaa, xaaskiisu waxay ahayd gabadh uu dhalay Madaxweyne Jamaal Cabdi Nasir oo ahaa Madaxweynaha Masar oo xafiiska madaxtooyada wuu ka shaqeeyey.
Waxa xusuus maskaxeed iyo mid taariikheedba dadka Masar ku reebay Marwan khiyaamadii qaran ee uu ku kacay, maadaama uu iibiyey macluumaad sir ah, qorshe dagaal iyo daqiiqadihii uu Anwar Sadat la kulmay Midawgii Sofiyeet iyo hoggaamiyayaashii Carabta. Waxa Marwan uu ku dhiiraday inuu lacag qaato, iibiyana sirta si uu uga hor yimaad sodogii oo aan waligii aaminin, kana shaki qabay.
Waxa la xasuustaa inuu hawsha basaasnimo ee uu Israa’iil u hayey biilaabay 1970-kii, markii looga yeedhay safaaradda Yuhuuddu ku lahayd caasimadda London ee dalka Ingiriiska, kadibna laga dalbaday inuu siro aad u culus oo Masar leedahay ka iibiyo. Waxa ay Israa’iil ku qaatay muddo dheer in ay iska hubiyaan inuu yahay basaas Masar laf ahaanteedu soo dirsatay, balse markii ay hubiyeen in macluumaadka uu keeno run yihiin waxa ay bilaabeen in ay si rasmi ah u aaminaan. Waxa uu basaas u ahaa Israa’iil muddo ka badan 30 sanno ah (1970 ilaa 1998-kii).
Waxa xasuusta ugu weyn ee aan la hilmaamin ahayd dagaalkii Yom Kippur oo uu Israa’iil ugu abaalgudday inay siiso boqol kun oo dollar, maadaama uu badbaadiyey nolosha askartooda iyo dadkoodaba, kuna beddesho tiro badan oo askarta waddankiisa difaacaysay ah. Dhammaad…