Warbixin:By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Hargeysa(ANN)Wararka dhiillada naxdinta iyo murugada xanbaaarsan ee dhawr iyo tobankii saacadood ee u danbeeyay ka imanayay dhinaca dalka Masar, ayaa noqday kuwo xanuun bad an. Kadib markii ay soo baxeen warrarka sheegaya in dad ka baddan 400 qof oo tiro kor u dhaafay laba boqol oo dhalinyaro u dhashay Somaliland ku haligmeen badda Mediterranean.
Barroorta ayaa is gaadhay Burco, Hargeysa ilaa Ceergaabo, waxa hadheeyay baraha dhinaca internetka gaar ahaan kuwo bulshada Somaliland ku kulanto Tacsida iyo weedhaha murugada xanbaarsan ee ka imanaya asxaabta iyo ehelada boqolaalka dhalinyarada ah ee ku nafwaayay badda. Kadib markii ay qalibantay doonidii ay saarnaayeen, iyadoo ka anbabaxay xeebaha dalka Masar, isla markaana usii jeeday dhinaca xeebaha dalka Talyaaniga, balse masiibadu la kulantay intii ay ku guda jireen safarka badda Mediterranean.
Magacyada dadka dhalinyarada ah ee ku naf waayay masiibadaa, ayaa lagu haayiy boggaga internetka, balse maaha xaqiiqdii kuwo intooda badan sax ah.
Ciidammada Ilaalada xeebaha ee dalalka Talyaaniga iyo Giriiga, ayaa sheegay in aanay hayn wax war ah oo la xidhiidha doonta tahriibayaasha siday ee ku degtay badweynta, balse hadalka ka soo baxay Wasiirka Khaarajiga Talyaaniga, ayaa meesha ka saaray tuhuno badan oo ku xeernaa dadka tahriibayaasha, kaasoo xaqiijiyey inay ku dhinteen badda.
Dhinaca kale, safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in doonta tahriibayaasha badan sidday degtay, laakiin aanay caddayn karin tirada rasmiga ah iyo magacyada Soomaalida ku geeriyooday doontaas oo la sheegay inay saarnaayeen in ka badan 400 oo qof, kuwaas oo ku dhowaad 200 yihiin dad dhalinyaro u bad an oo u dhashay Somaliland.
Nin Soomaali oo turjumaan ah oo ku sugan dalka Giriigga, ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in tiro dad ah oo laga badbaadiyey doonta qarraqantay la gaadhsiiyey Jasiiradda Crete oo Giriigga ku taal, sidoo kalena la bilaabay gurmad lagu raadinayo meydadka dadka ku dhintay shilkaas, iyadoo tirada la badbaadiyay lagu sheegay 37 qof.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dhacdadan, iyadoo Somaliland kasoo saartay dhanbaal Tacsi ah, kaas oo aan waxba ka bedelin shucuurta iyo dareenka naxdinta baddan ee dhalinyaro ah oo asxaabtooda iyo ehelkooda ku waayay mashaqadaa iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo u arka in aanay ahayn wixii looga baahnaa hoggaanka dalka dhanbaal tacsi ah oo keliya, kaas oo aanay weedhaha ku qornaa iyo nuxurka ay xanbaaranaayeen waxba ka duwanayn tacsiyaha geerida sida caadiga ah dhacda ee horeba uga bixi jiray.
Hoggaamiyayaasha dunida marka masiibo sidan kale dhacdo, waxay si toos ah ula hadlaan bulshadooda, waxayna la qaysadaan xanuunka iyo murugada masiibadda, balse waxa muuqata in aanay nolosha qofka muwaadinka ah wax qiime ah ku lahayn halkan.
Hiyi-kaca dhalinyaradda ee dhinaca tahriibta ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay Kor u kacay, waxayna dhalinyaradu iyagoo sida hirarka mawjadaha u guuraya u go,aansadeen inay nafahooda ku biimeryaan baddaha iyo saxaraha. Kadib markii uu hoonebay balanqaadkii Madaxweyne Siilaanyo ee xiligii Ollolaha ka hor doorashadii Maaxtooyadda ee 26 Jun 2010.
Waxayna dhalinyarada oo sabab u ahayd isbedelkii uu xiligaaa Madaxweyne Siilaanyp ku yimi, iyagoo u hanqal taagayay balanqaadyadii I yo weedhihii halku dhega u ahaa KULMIYE oo ahaa “UDUB Way Tegeysaaye Ha Tahriibin Walaal” balse Halku Dheggii Kulmiye Xiliggii Ololaha ayaa beenoobay, wuxuuna noqday raad arrooryo dib looma raaco, taas oo sababtay in kumanaan dhalinyaro ah oo ay ugu danbeeyeen kuwa ku haligmay Badda Mediterranean-ka oo aha a tiradii ugu badnayd ee ku wada dhimata Doon inta la xusuusanyahay dhalinyarada Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist