X
    Categories: Qubanaha

Baasaboorka Maraykanka Oo Hoos U Dhacay

Baasaboorka Maraykanku ma aha mid loo baahan yahay, sidii hore, Getty Imagesmarka loo eego 2025 Henley Passport Index, oo markii ugu horreysay la daabacay 19 sano ka hor.

Baasaboorka Maraykanku xilligan ma aha tigidhkii Dahabiga ahaa ee uu mar ahaan jiray, waa maxay sababtu?

#Araweelo_News _Network

Baasaboorka Maraykanka ayaa dhaliyay su’aalo layska weydiinayo, kuwaas oo odhanaya, “Baasaboorka Maraykanku ma aha mid loo baahan yahay sidii hore, marka loo eego 2025 Henley Passport Index, oo markii ugu horreysay la daabacay 19 sano ka hor.

Tilmaan-bixiyahan ayaa muujinaya sida Baasaaboorrada suurtagelinaya in fiis-la’aan lagu gelo 227 Dal, taas oo ka dhigaysa Maraykanku inuu noqdo waddanka sagaalaad oo keliya, halka Singapore ay haysato kaalinta ugu saraysa, iyadoo awood u yeelatay 195  dal-ku-gal oo Fiisa  la’aan ah.
Qiimayntan oo lagu qiimeeyay 199 Baasaboor oo ka mid ah dalalka aduunka  iyadoo lagu saleeyay  227 waddan oo ay ku galaan fiisa la’aan, sidaa awgeed warbixinta lagu qiimaynayay ayaa ka dhigtay Baasaboorka Maraykanka inuu hoos ugu dhaco kaalinta 9-aad, isaga oo ka siibanaya kaalinta koowaad ee uu kaga jiray Baasaboorada Aduunka 2014.

Sannadkan 2025, waxa uu u ogolaanayaa dadka safarka ah ee Maraykanka inay galaan 186. ka mid ah wadamada iyo dhulalka bilaa fiisaha ah, oo aannay ku jirin Nigeria, India, iyo Russia.

Sida laga soo xigtay xogta ay bixisay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka oo la cusboonaysiiyay iyada oo la adeegsanayo cilmi-baadhis guddaha ah iyo xogta internetka ee isha furan, shirkadda la-talinta ee Henley & Partners ee fadhigeedu yahay UK ayaa Singapore ku dartay Baasaboorka ugu awoodda badan adduunka sannadkii labaad si isku xigta. Waxa ay geli kartaa wadar ahaan 195 dal, iyadoo aan lagu xidhin wax Fiise dal ku gal ah.

Kaalinta labaad waxaa ku jira Baasaboorka Japan, oo leh dhibco dhinaca fiisa la’aan ah 193. Kaalinta saddexaad waxaa wadaaga lix waddan, kuwaas oo kal ah, Finland, France, Germany, Italy, South Korea, iyo Spain. Imaaraatka Carabta ayaa ah dalka kaliya ee Bariga dhexe ka galay tobanka ugu sareeya xagga Baasaboorka,  Waxayna UAE  kor u kacday 55 boos, halkii uu joogay guud ahaan tusmada tan iyo 2010.

Baasaboor xoog leh ayaa siinaya xoriyad baddan, kaas oo lagu safro adiga oo aan u baahnayn dal-ku-gal, waana sababta qiimaha u samaynay Baasaboorka.

Nepal, Somalia, Pakistan, Yemen, Iraq, Syria, iyo Afghanistan ayaa ku jira kaalinta shanta meelood ee ugu hooseeya Aduunka xagga Baasaboorka . Marka la barbardhigo Singapore, oo iyadu noqotay dalka loo ogolaaday in fiis-la’aan lagu galo 195 waddan iyo dhulal, halka haysashada Baasaboorka Afgaanistaan ​​​​ u oggolaanaya in fiisa la’aan lagu galo 26 waddan.

Hase yeeshee warbixinta laguma muujin sababta hoos u dhaca weyn ee Baasaboorka Maraykanka oo xilliya hore ahaa mid awood baddan, balse uu ka awood baddan yahay Baasaboorka Singapore.

Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post