Baasaboorka Maraykanku xilligan ma aha tigidhkii Dahabiga ahaa ee uu mar ahaan jiray, waa maxay sababtu?
#Araweelo_News _Network
Baasaboorka Maraykanka ayaa dhaliyay su’aalo layska weydiinayo, kuwaas oo odhanaya, “Baasaboorka Maraykanku ma aha mid loo baahan yahay sidii hore, marka loo eego 2025 Henley Passport Index, oo markii ugu horreysay la daabacay 19 sano ka hor.
Tilmaan-bixiyahan ayaa muujinaya sida Baasaaboorrada suurtagelinaya in fiis-la’aan lagu gelo 227 Dal, taas oo ka dhigaysa Maraykanku inuu noqdo waddanka sagaalaad oo keliya, halka Singapore ay haysato kaalinta ugu saraysa, iyadoo awood u yeelatay 195 dal-ku-gal oo Fiisa la’aan ah.
Qiimayntan oo lagu qiimeeyay 199 Baasaboor oo ka mid ah dalalka aduunka iyadoo lagu saleeyay 227 waddan oo ay ku galaan fiisa la’aan, sidaa awgeed warbixinta lagu qiimaynayay ayaa ka dhigtay Baasaboorka Maraykanka inuu hoos ugu dhaco kaalinta 9-aad, isaga oo ka siibanaya kaalinta koowaad ee uu kaga jiray Baasaboorada Aduunka 2014.
Sannadkan 2025, waxa uu u ogolaanayaa dadka safarka ah ee Maraykanka inay galaan 186. ka mid ah wadamada iyo dhulalka bilaa fiisaha ah, oo aannay ku jirin Nigeria, India, iyo Russia.
Sida laga soo xigtay xogta ay bixisay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka oo la cusboonaysiiyay iyada oo la adeegsanayo cilmi-baadhis guddaha ah iyo xogta internetka ee isha furan, shirkadda la-talinta ee Henley & Partners ee fadhigeedu yahay UK ayaa Singapore ku dartay Baasaboorka ugu awoodda badan adduunka sannadkii labaad si isku xigta. Waxa ay geli kartaa wadar ahaan 195 dal, iyadoo aan lagu xidhin wax Fiise dal ku gal ah.
Kaalinta labaad waxaa ku jira Baasaboorka Japan, oo leh dhibco dhinaca fiisa la’aan ah 193. Kaalinta saddexaad waxaa wadaaga lix waddan, kuwaas oo kal ah, Finland, France, Germany, Italy, South Korea, iyo Spain. Imaaraatka Carabta ayaa ah dalka kaliya ee Bariga dhexe ka galay tobanka ugu sareeya xagga Baasaboorka, Waxayna UAE kor u kacday 55 boos, halkii uu joogay guud ahaan tusmada tan iyo 2010.
Baasaboor xoog leh ayaa siinaya xoriyad baddan, kaas oo lagu safro adiga oo aan u baahnayn dal-ku-gal, waana sababta qiimaha u samaynay Baasaboorka.
Nepal, Somalia, Pakistan, Yemen, Iraq, Syria, iyo Afghanistan ayaa ku jira kaalinta shanta meelood ee ugu hooseeya Aduunka xagga Baasaboorka . Marka la barbardhigo Singapore, oo iyadu noqotay dalka loo ogolaaday in fiis-la’aan lagu galo 195 waddan iyo dhulal, halka haysashada Baasaboorka Afgaanistaan u oggolaanaya in fiisa la’aan lagu galo 26 waddan.
Hase yeeshee warbixinta laguma muujin sababta hoos u dhaca weyn ee Baasaboorka Maraykanka oo xilliya hore ahaa mid awood baddan, balse uu ka awood baddan yahay Baasaboorka Singapore.
Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com