X
    Categories: Qubanaha

Askarigii Dilay Usama Bin Ladan oo Sharaxay Qaabkii Loo Aasay

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN/RT-Arabic) Askarigii Maraykanka ahaa ee dilay Hogaamiyihii Shabakada Alqaacida Usama Bin Ladan ayaa hadda ka hadlay sidii wax u dhaceen gaar ahaan qaabkii ay ugu daateen ee u galeen dhismahii uu deganaa Usama ee ku yaallay Magaalada Pot Abbad ee dalka Pakistan.
Askarigan Robert O’Nel oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Dalka maraykanka oo 41 jir ah kana qaybgalay fulinta hawlgalo gaar ah ilaa 400 jeer ayaa buugiisa uu ku soo koobay shaqadiisii ee uu u bixiyey “The Operator’ waxa uu qayb ka mid ah tafaasiil kaga bixiyey qaabkii uu u dilay Usama Bin ladan.
Robert O’Nel waxa uu sheegay in markii ay u dhacayeen guriga uu deganaa Usama Bin ladan uu isagu gaadhay dabaqii sadexaad ee Guriga ugu sareeyey, isla markaana ay rasaas is weydaarsadeen inankii Khaalid ee uu dhalay Usama, ka dibna uu khaalid dhaawacmay, ka dibna uu isagu gaadhay qolkii hurdada ee Usama deganaa, iyagoo si fool ka fool ah isaga soo horbaxay Usama oo ay la joogto xaaskiisii ugu yaraa, xiligaasina ay ahayd markii uu askarigani rasaasta madaxa kala eegtay Usama oo sidaa ku geeriyooday.
Askariga O’nel waxa uu intaa ku daray in uu isagu mar kale rasaas madaxa kaga sii dhuftay meydkii Usama si uu u hubiyo inuu dhintay, wax yar ka bacdina ay goobtii isugu yimaadeen kooxdii ciidanka ahayd ee guriga u dhacday ee ‘SEAL” kuwaas oo in mid kasta oo ka mid ahaa uu rasaas ku furay meydkii Usama Bin ladan illaa uu u kala go’ay illaa 100 meelood.
Sida uu ku caddeeyey Buugiisa ayaa askarigii dilay Usama Bin Ladan waxaa meydkiisii loo qaaday dhanka Afghanistan si loo hubiyo inuu isagii yahay, markii taa la xaqiijiyayna waxaa loo qaaday Markab dagaal oo ay Ciidamada Maraykanku leeyihiin oo lagu magacaabo Carl Vinson CVN-70, kaasoo taagnaa biyaha badda carbeed, waxaana lagu tuuray badda si loogu aaso.

Xiggasho: xogtadunida.com/

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post