Araweelo News Network

LI Ka

Ninka magaciisu yahay Li Ka Shing, waa ganacsade (Entrepreneur) u dhashay degaanka Hong Kong ee dalka Shiinaha. Hadda waa ninka ugu taajirsan dadka Shiinaha. Waxa dhalay aabbo sabool ah oo dugsi hoose maamule ka ahaan jiray.
Bilyaneerkan ilaa hadda ma laha aqoon ku filan, sababtoo ah waxa uu waxbarashada isaga baxay sannadkii 1940kii, markii dalka Japan (Jabbaan) uu qabsaday dalka Shiinaha, kadib qoyskiisu waxay u qaxeen dhinaca Hong Kong. Waqtigaas wuxuu ahaa 12 jir. Aabbihii wuxuu xannuunka Qaaxada (TB) u geeriyooday markii uu Mr. Li uu ahaa 15 jir, taasi waxay qasab ka dhigtay inuu u shaqeeyo qoyskiisa si uu uga taageero nolol maalmeedka oo waqtigaa in la helaa ay aad u adkayd.
Shaqadii ugu horraysay ee uu Hong Kong ka qabtaa waxay ahayd bakhaar uu adeerkii lahaa oo uu saacadaha ku iibin jiray. Shaqadu aad bay u adkayd, hawlkarnimadiisa aawadeed waxa ay ka dhigtay inuu noqdo iibiyaha ugu wanaagsan isagoo waliba 17 jir da’diisu tahay, markii uu 19 jir noqdayna wuxuu noqday Mareeyaha Guud ee bakhaarkaas. Aakhirkii wuu ka tegay shaqadaas, waxaannu ku biiray shirkad kale sii uu u noqdo iibiyaha alaabo biro ah. Waxa uu noqday nin iibinta ku wanaagsan, waxaannu ku heli jiray abaalmarino iyo lacago dheraad ah oo lagu dhiirigeliyo. Madaxdiisu toddoba jeer ayey abaalmarin lacag ah siiyeen, kadib markii uu noqday iibiyaha labaad ee ugu wanaagsan shirkadda.
Waxa uu ku fikiray oo uu ku hamiyey inuu ganacsi u gaar ah samaysto. Markuu 21 jir ahaa wuxuu furday shirkad soo saarta ubaxa caaga ah ee hadiyadaha la isugu geeyo amma guryaha lagu sharraxdo, aakhirkii wuxuu ku guulaystay ganacsiga iibinta ubaxaas caaga ah, taasina waxay ka dhigtay inuu la wareego suuqa qaybinta ubaxa caagaha ee Qaaradda Eeshiya. Sannadkii 1958kii waxa uu iska bixiyey dhammaan kiradii dhulka uu ku jiray, kadibna waxa uu go’aansaday inuu horumariyo oo uu samaysto hanti u gaar ah. Waxa ay taasi uu yeeshay hanti dhul iyo guryo ah uu isagu iska leeyahay.
Waqti xaadirkan shirkadiisa oo la yidhaa Cheung Kong waa mid ka shaqaysa kiraynta iyo iibinta hantida ma guurtada ah, waana ninka iska leh dhulka ugu ballaadhan Hong Kong, waxa uu masuul ka yahay mid ka mid ah 12 guri ee kasta ee Hong Kong u yaala. Shirkadda Cheung Kong wax aka farcama shirkaddo aad u badan oo 11% ganacsiga Hong Kong maamula.
Marka Hong Kong la joogo waxa la yidhaa dollar kasta oo la kharash gareeyo waxa shan santi oo kasta galaan qasnada Li. Waxa uu maamulaa hanti, bangiyo, shirkado dhismo, shirkaddo kala duwan oo bacaha, moobilada, telefiishannada, sibidhka iyo dawooyinka soo saara. Waxa kale oo uu aad caan ugu yahay soo saarista biraha, dhoofinta iyo soo dejintoodaba.
Shirkadda Hutchison Whampoa oo ka mid ah shirkadaha tirada badan ee ganacsade Li waxa ay maamusha 12% kontaynarada yaala dekedaha adduunka oo ay ku jiraan dekedaha Hong Kong, Shiinaha, Rotterdam, Panama iyo Bahamas. Sidoo kale waa shirkadda ugu ballaadhan ee iibgeysa dawooyinka, qalabka caafimaad iyo waxyaabaha la isku qurxiyo oo ay qaybiyaan shirkadda AS Watson Group oo dunida ku leh in ka badan 6,800 (Lix kun iyo siddeed boqol) oo bakhaar.
Ganacsade Li waxa uu ragga dunida ugu hantida badan kaga jiraa kaalinta 10aad, waana ninka ugu taajirsan tafiirta Shiinaha soo martay. Sannadkii 2006, waxa uu ganacsadahan noqday ninkii ugu horreeyey ee hela abaalmarinta Malcolm S. Forbes Lifetime Achievement Award oo uu ku helay hal-abuurka ganacsi ee uu dunida ku faafiyey iyo waliba ganacsigiisa guulaystay.
Hadda, ogow oo ninkan aqoon ma laha, balse kartida iyo dedaalka ay ku jirto hal-abuurnimada, hadafka iyo istaraatijiyada nololeed ayuu horumarka u gaadhay, waxa soo maray waqtiyo ay ku adkayd inuu qoyskiisa cuntu u helo amma aabbihii oo Qaaxo u dhintay uu dawaba helo.