X
    Categories: Qubanaha

Afrika: Tobanka Madaxweyne Ee Ugu Muddada Dheer Xukunka

Araweelo News Network

Qormadeen waxa aynu ku eegi doonnaa Madaxweynayaasha qaaradda Afrika ugu xukunka dheeraa, kuwaasoo badankoodu ku yimmi afgambi millateri amma dhaqdhaqaaq kacdooon. Qaar badan oo ka mid ah aad baa loo jecelyahay geesinimadooda, waxqabadkooda iyo waxyaabaha ay u hureen dadkooda, halka kuwo badan oo xorriyad-doon ahaa oo halgan dheer soo galay oo doonayey horumar in ay gaadhsiyaan dadkooda ay isu beddeleen dhiig-yocab aan xukunka ka kicin, dadkana caadis iyo dib u dhac u horseeda.
Markii la qiimeeyey 20 hoggaamiye ee xukunka ugu badan haysta waxa 10 u horreeya galay qaaradda Afrika ha la jeclaado amma yaan la jeclaane amma ha qabtaan wanaag amma yaanay qabane.

1. Madaxweynaha Equatorial Guinea Mr. Teodoro Obiang Nguema Mbasogo:

Madaxweynaha dalka Equotorial Guinea Mr. Teodoro Obiang waxa uu xilka ka dhaxlay adeerkii Masia Nguema Biyongo Ndong, kadib markii uu dhacay afgambi millateri sannadkii 1979 oo xilka lagaga tuuray dawladdii uu adeerkii hoggaaminayey. Afgambigan oo ahaa mid dhiig badan ku daatay waxa xukunka kula wareegay Golihii Kacaanka (Revolutionary Council) oo afgambiga ka hor Equatorial Guinea ka talinayey.
Mr. Teodoro waxa uu noqday Guddoomiyaha Golahaas, isla sannadkaas markii adeerkii lagu helay dambiyo ay ku jiraan dil-wadareed, xasuuq, musuqmaausq, leexsasho hanti dawladeed iyo khiyaamo qaran. Waliba dambiyadan waa lagu fuliyey oo dil baa xukunkii noqday.
Waxa Teodoro xilka loo dhaariyey sannadkii 1982-kii, taas macnaheedu yahay inuu 35 sannadood xukunka dalkiisa haystay oo aannu marna ka kicin.

2. Madaxweynaha Angola Mr. José Eduardo dos Santos:

Madaxweyne Dos Santos waxa uu ka talinayey dalka Angola wixii ka dambeeyey ilaa sannadkii 1979. Waxa uu xukunka hayey 35 sanno. Waqtiga uu xukunka la wareegay waxay ahayd markii dalka Angola helay xorriyadda.
Waxa in badan lagu ammaanay inuu door muhiim ah ku lahaa in dalku helo saliid amma shidaal, balse waxa uu eed badan kala siman yahay hoggaamiyayaal badan oo Afrikan ah oo musuqmaasuqa lagu eedeeyo.
Dadka Angoola oo 70% ka mid ah ku nool yihiin wax ka yar $2, ayaa inantiisa Isabel oo siyaasadda dalka saamayn ku leh ay ka mid noqotay dadka ugu taajirsan Afrika, gaar ahaan dhallinyarada ugu hantida badan.

3. Madaxweynaha Zimbabwe Mr. Robert Mugabe:

Madaxweynaha Zimbabwe Mr. Robert Mugabe oo hadda 90 jir ah waxa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha aadka loo dhaleeceeyo, halka uu taariikda dalkiisana kaga jiro halgamayaasha, inta badana dhaleecayntu waxay uga timaad dalalka reer galbeedka, halka Afrika in badan oo ka mid ahna uu taageero ka haysto.
Waxa uu dalkiisa xukumayey muddo 34 sanno ah, halka hadda wixii ka dambeeyana la saadaalinayo in gabadhiisa oo la yidhaa Grace ay noqoto qofka beddeli doona ee talada dalka la wareegaya, maadaama uu waayeel noqday, xannuunno badanna u weheliyaan da’da… la soco…

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post