X
    Categories: Qubanaha

Afrika: Tobanka Madaxweyne Ee Ugu Muddada Dheer Xukunka Qormada 2aad

Araweelo News Network

4. Madaxweynaya Cameroon Mr. Paul Biya:

Ka hor inta aannu noqon Madaxweyne 1982kii, waxa uu Paul Biya ka ahaa Ra’iisal-wasaare xukuumaddii Ahmadou Ahidjo, balse kadib markii isbeddel siyaasadeed ka dhacay waddanka Cameroon ayuu noqday Madaxweyne, maadaama dalkaas uu lahaa hal xisbi siyaasadeed oo keliya muddo ku siman siddeetamaadkii, kaasoo uu baabiyey sagaashamaadkii.
Waxa uu awoodda dalka kula wareegay doorasho lagu eedeeyo in ay hadheeyeen mugdi, isdaba marin iyo khiyaamo codadka ah, maadaama Faransiiska oo ahaa gumaystaha Cameroon uu caawinayey Biya si uu xukunka ula wareego.
Waxa uu xilka dalkiisa hayey 32 sannadood oo aannu mar kaliya ka degin, kalana mid yahay hoggaamiyayaal badan oo Afrika ah musuqa, cadaadiska iyo dhibta ay dadkooda ku hayaan.
5. Madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Museveni:

Madaxweyne Yoweri Museveni waxa uu ahaa taayirka ay ku dhaqaaqdo dawladda Uganda, kadib markii ay dhaceen afgambiyadii Idi Amin iyo Milton Obote (1986). Waxa uu quluubta dadkiisa ku soo jiita aragtiyo ay ka mid yihiin inuu aad u neceb yahay guurka dadka isku jinsiga ah oo qaar badan u ololeeyaan, taasoo uu soo saaray xeerar ciqaab adag ku ridaya qofka lagu helo dambigaas.
Waxa kale oo uu dalka Uganda ku hoggaamiyey degenaansho dhaqaale, waana mid ka mid ah dalalka Qaarada Afrika ee guusha ka gaadhay HIV/Aids in hoos loo dhigo.
Waxa uu inta badan dhaliisha ku qaata ainuu dalkiisa 28 sannadood xukumayey oo aannu cidna u oggolaan in ay ka hortimaad amma ka guulaysato, waxaannu xukun jacaylka kala mid yahay rag badan oo ay isku da’ yihiin oo ka mid ah hoggaamiyayaasha muddada ugu dheer dal xukuma.

6. Madaxweynaha Suudaan Mr. Cumar al-Bashir:

Cumar Al Bashiir oo caan ku ah in ay raadinayso Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC (International Criminal Court), taasoo hadda dalal badan oo Afrika iyo Yurub ah ku dhawaaqeen in ay ka baxeen, kuwo kalena doonayaan inay ka dhaqaqaan xubinnimadooda maxkamaddaas..
Madaxweynaha Suudaan Mr. Cuma al Bashiir waxa uu dalkiisa xukumayey 25 sanadood, waxana la doortay saddex jeer oo inta badan lagu eedeeyo in aanay ahayn doorasho xalaal iyo xor ah. Sannadkii 2009 waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee isagoo xilka haya la isku dayey in la horgeeyo Maxkamadda ICC, iyadoo lagu eedeeyey xadgudubyo bina’aadaminimada ka dhan ah sida dil wadareed, kufsi iyo jidh-dil ka dhacay Gobolka Darfur. …. La soco…..

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post