Araweelo News Network

tony-elumelu

Nin lagu magacaabo Mr. Tony Elumelu oo u dhashay dalka Nayjeeriya ee galbeedka Afrika, ayaa helay sir lagu noqon karo ganacsade milyaneer ah, laguna samaysan karo hal-abuur ganacsi oo waara.
Sannadkii 2013-kii, gaar ahaan 1dii ilaa 21 November ayaa Tony Elumelu u baahday inuu helo lacag dhan $123 bilyan ah. Waxa uu wadaag ku lahaa shirkad la yidhaa Transcorp PLC, taasoo nasiib wanaag u noqotay186%, macnaheeduna tahay in 5.7 bilyan wadaag ah amma saami ay ula mid noqotay $188 milyan muddadaas yar gudaheed.
Waxa uu noqday nin nasiib leh oo degdeg ku taajira, isagoo saamiga uu ku lahaa shirkadda uu iibsaday bishii April 2011kii, halka uu bishii September ee isla sannadkan noqday guddoomiyaha shirkaddaas.
Sidoo kale, ninkan taajirka noqday waa guddoomiyaha shirkadda Heirs Holdings oo ah shirkad maalgashiyada ganacsi samaysa, isla markaana ka shaqaysa iibinta hantida, tamarta iyo waliba adeegyada caafimaad. Sidoo kale waxa uu leeyahay urur gargaarka ka shaqeeya oo uu magaciisa u bixiyey ‘Tony Elumelu Foundation’ oo inta aad uga shaqeeya abuurida ganacsiyada yaryar ee Afrika. Waxa uu u baahday inuu qayb ka noqdo shirkadda Transnational Corporation PLC oo dalka Nayjeeriya laga leeyahay si uu ula wareego ganacsiga, tamarta iyo adeegyada soo dhawaynta. Waxay shirkadan noqotay ta keentay inuu muddo saddex toddobaad ah lacagta intaas le’eg ku helo, wararka adduunkana magaciisu ka muuqdo muddo yar.
Waxa uu hore u ahaa sannadkii 2005 nin ka shaqeeya arrimaha baananka ganacsiga, isagoo waliba ka hawlgalay bangiga Standard Trust Bank oo ka mid ah bangiyada ugu waaweyn Koonfur Afrika, halka uu aakhirkii noqday ragga hoggaamiya bangiga United Bank for Afrika oo 19 dal oo Afrika ah macmiil ku leh. Aakhirkiina waxa uu ku biiray shirkadda Trancorp oo noqotay ta uu saddexda toddobaad gudahood bilyaneerka ku noqday.
Waxa uu Mr. Tony Elumela noqday nin aad uga shaqeeya gargaaridda dadka Afrikaanka ah, gaar ahaan inuu ka kobciyo dhinaca hal-abuurka ganacsiga. Sannadkii 2015 waxa uu ku dhawaaqay inuu maalgelinayo dad gaadhaya 1,000 hal-abuur ganacsiyeed oo uu ku bixinayo $100 milyan si uu kor ugu qaado ganacsiga gaarka ee dadka Afrikaanka.
Hay’adda uu aasaasay ee TEEP (Tony Elumelu Entrepreneurship Programme) oo sannadkii saddexaad hadda jirta waxa ay ku hawlan tahay inay shaqo-abuur u samayso 1 milyan oo qof, taasoo sannadkii ay ku baxayso $10 milyan oo dollar tobanka sanno ee soo socda, waana nin muujiyey dedaal badan.