Araweelo News Network


Dalka Simbabwi (Zimbabwe) ee qaaradda Afrika, waxa shaqa la’aanta ka jirtaa tahay 95%, xaataa dawladda laf ahaanteedu waxa ay sheegtay in shaqo la’aanta heerkaa taagan dalkeeda ka jirto.
Laga soo bilaabo 2011-2014 waxa dadka reer Simbabwi ku noolaayeen xaalad adag, maadaamada 95% ka mid ah aanay wax shaqo ah haynin, halka dadka mushaharla ah ee shaqada hayaana ay kala badh ka mid ah u shaqeeyaan dawladda oo badankoodu aanay mushahar hagaagsan helin.
Arrintan waxa ay sababtay in aan dhaqaale toos ah dalka soo geln, wax cashuur ahna aan la helin, dawladdana dhaqaalaheedu xadidnaado, sababtoo ah waxa uu dhaqaaluhu kobcaan marka dawladdu ay leedahay meel cashuur ka soo gasho, waxaana adag in shirkado gaar loo leeyahay ay ka hirgalaan dalka Simbabwi.
Ilaa hadda lama hayo qof si sax ah u sheega dakhliga dawladda Simbabwi soo gala dadkeeda amma qarankaba, balse waxa dadka qaar ku qiyaasaan in GDP dalka Simbabwi uu sannadkii dhan yahay $600 ilaa $700 dollar (Per capita). Waa mid la mid ah dakhli waqtigii kacaankii warshadaha ee 1750 dunidu maraysay, xataa England waxa ay ka saboolsanayd waqtigan sida Simbabwi hadda ay tahay. Waqtigan casriga ah haddii la eego macnaheedu wuxuu yahay in dalka Simbabwi aanay wax dhaqaale ahba haysan