X
    Categories: Qubanaha

Afrika: Dal Maxaabiista ku Jira Jeelasha u Ogolaaday inay ka Qaybgalaan Codaynta Doorashada

Araweelo News Network


Maxaabiista dalka Ghana (Gaana) ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa la siiyey fursad ay ku codayn karaan maalintii ay socotay doorashada Madaxweynenimada dalkooda ka qabsoontay 7 December 2016, waxaanay noqotay markii labaad ee dal galbeedka Afrika ah uu maxabiis u ogolaado xaqa codaynta.
Sida uu qoray mareeg maxali ah oo dalka Ghana ka waranta oo la yidhaa Citi Fm oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa xaqa codaynta la siiyey 2,276 (laba kun, laba boqol, toddobaatan iyo lix) maxbuus, taasoo la diiwaangeliyey si ay u codeeyaan doorashada.
Maxkamadda Sare ee dalka Ghana, ayaa go’aan ku soo saartay sannadkii 2010kii in maxaabiistu ay xaq u leeyihiin in ay codeeyaan, lana siiyo fursad ay ku dooran karaan hoggaamiyaha ay doonayaan inuu dalka hoggaamiyo.
Doorashada Madaxweynenimo ee Ghana oo uu ku guulaystay nin hogaaminayey xisbi mucaarid ah oo magaciisu yahay Mr. Nana Akufo-Addo oo dhawr iyo afartan sanno ka hor aabbihii Madaxweyne ahaa, waxa ay muujinaysaa dadka Ghana sida ay ugu bisil yihiin hannaanka dimuqraadiga ah iyo isbeddelada siyaasiga ah.
Waddanka Ghana waxa ay inta badan caan ku yahay dhaqaale ahaan dhoofinta dahabka iyo kookaha (cocoa), waana dalalka Afrika ugu qannisan dhinaca soo saarista saliidda qaydhin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post